Zidane Oo U Sheegay Cayaartooyda Kooxda Inuu Baxayo Xagaagan

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa la fahamsan yahay inuu u sheegay ciyaartoydiisa inuu baxayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer France ayaa hal mar oo hore ka tagay garoonka Santiago Bernabeu, isaga oo iska casilay shaqada kaddib markii uu ku guulaystay koobkii 3-aad oo xiriir ah oo champions League ah sannadkii 2018.

Waxa uu kooxda kusoo laabtay bishii Maarso 2019 waxana uu ku guulaystay horyaalnimada sannad kaddib, laakiin haatan waxa uu umuuqdaa in uu mar kale ka tagayo kooxda Los Blancos.

Zidane ayaa u sheegay qolka labiska ee kooxda Real Madrid kahor kulankii ay la yeesheen kooxda Sevilla 9kii May inuusan sii joogi doonin dhammaadka ololahan, islamarkaana uu is casili doono kaddib dhammaadka xilli ciyaareedka ee marks ay kulankooda ugu dambeeyay la cayaaraan kooxda Villarreal.

Halyeeyga Merengues ayaa sannad kale uga harsan qandaraaskiisa haatan ee tababarennimo, kooxda Los Blancos-na waxay carabka ku adkeysay inay ku qanacsan yihiin shaqadiisa isla markaana ay si farxad leh u arki doonaan inuu sii joogo xilli ciyaareed kale.

Tababare Zidane Wuxuu ka tegi karaa kooxda isagoo wata horyaal kale, maadaama Madrid ay weli sii tartanka ay ku difaacanayso horyaalka La Liga.

Wiilasha Zidane ayaa awoodooda ka legday Barcelona sannadkii hore, laakiin sida ay haatan wax yihiin, Atletico Madrid ayaa noqon doonta kooxda heysata horyaalnimada cusub ee caasimadda Spain.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS U DAAWO: Juventus vs Inter Milan | Seria A

Read Next

Willian Oo Raacaya Wadada Luiz Ee Ka Tagitaanka Waqooyiga London

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?