Suuqa: PSG Oo U Weecatay Lewandowski, Real Oo Heshay Beddelka Zidane Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Warka Hadalheynta Leh Maanta : PSG Oo U Weecatay Lewandowski

Majaladda L’Equipe ayaa sheegaysa in PSG ay diiradda saartay weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski haddii uu Kylian Mbappe ka tago xagaaga.

Mbappe ayaa si aad ah loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid oo ay weheliyaan kooxaha Liverpool iyo Manchester United.

L’Equipe ayaa warinaysa in PSG ay doonayso inay firfircooni yeelato isla markaana ay la soo wareegto saxiix weyn haddii Mbappe uu baxo islamarkaana gooldhaliyaha ugu sarreeya Bundesliga uu ugu sarreeyo liiskooda, xitaa haddii Bayern ay ka go’an tahay inay ceshato.

Lewandowski ayaa qandaraas kula jira kooxda Bayern ilaa 2023 inkasta oo ay jiraan warar xan ah oo xiddigan la xiriirinaya u dhaqaaqista meelo kale.

Wararka kale ee suuqa

  • Goal ayaa warinaysa in Zinedine Zidane uu ku wargaliyay ciyaartoydiisa Real Madrid inuu ka tagayo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan. Sunday Mirror ayaa sheegeysa in kooxda ay durbaba tixgelin siineyso tababaraha Everton Carlo Ancelotti iyo tababarihii hore ee Juventus Massimiliano Allegri si ay bedel uga dhigaan.
  • Arsenal ayaa qarka u saaran saxiixa daafaca ka tagaya Southampton ee Ryan Bertrand sida ay qortay Mail on Sunday. Waxay loolan kula jirtaa Milan iyo Manchester City.
  • West Ham ayaa lagu soo waramayaa inay safka hore kaga jirto saxiixa goolhayaha West Brom Sam Johnstone sida ay qortay Football Insider.
  • Bayern Munich ayaa diiradda saareysa daafaca Inter Achraf Hakimi sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.
  • Marca ayaa sheegaysa in Real Madrid ay xiiseyneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Rennes Eduardo Camavinga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Lagu Heysto Farriintii Taageeradda Falastiin Ee Mohamed Elneny

Read Next

Ozan Kabak Waa Cayaaryahanka Saxda Ah Ee Waqtiga Ku Haboon Liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?