Ozan Kabak Waa Cayaaryahanka Saxda Ah Ee Waqtiga Ku Haboon Liverpool

Imaatinka Ozan Kabak ee bisha Janaayo ayaa qeyb weyn ka ah sababta ay Liverpool wali ugaarsiga ugu jirto u soo bixitaanka Champions League.

Daafaca reer Turkey ayaa maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala-iibsiga kasoo degay Anfield isaga iyo Ben Davies, laakiin inkasta oo aynaan wali arkin caddayn rasmi ah oo ah oo ku aadan jirritaanka Davies, Kabak ayaa soo bandhigay joogitaankiisa.

Cayaaryahanka kooxda Schalke amaahda ugasoo maqan ee reer Turki ayaa ka caawiyay The Reds inuu xoojiyo daafacooda ay waxyeeleeyeen dhaawacyada.

Xiddigan ayaa wadashaqeyn wanaagsan la bilaabay daafac Nat Phillips wuxuuna ilaashaday shabaqiisa lix kamid ah 12 kulan oo uu ilaa iyo haatan u saftay kooxda.

Orodkiisa iyo xasilloonidiisa dhanka daafaca waxay ahaayeen kuwo heer sarreeya, waxaana si weyn ay kooxda ugu xiiseen kaddib guulihii ay ka gaareen Southampton iyo Manchester United oo uu seegay.

Xiddigan amaahda ugu jooga Reds ayaa waxaa ay awood u leeyihiin inay si joogto ah ula wareegaan haddii ay bixiyaan 18 milyan oo yuuro marka uu heshiiskiisa dhaco xagaaga, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in tababare Jurgen Klopp aanu wali ku qanacsanayn in uu u qalmo in laga baxiyo lacagtaas.

Waxay arrintan kusoo aadaysaa iyadoo laga cabsi qabo in Kabak uusan wax badan kasoo muuqan kooxda koowaad marka la heli karo dhameystir buuxa oo daafac dhexe ah.

Kabak ayaa keliya u muuqday in qorshuhu ahaa inuu guto waajibaadkiisa kusimenimo maadaama ay daafacyada waaweyn ee kooxda ay dhaawac ku maaqnaayeen

Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip ayaa qarka u saaran inay dhaawacyo kasoo laabtaan, halka calaamadaha oo dhan ay tilmaamayaan daafac cusub oo xagaagan imanaya, haddii uu yahay Ibrahima Konate oo lala xiriirinayay iyo haddii kale.

Haddii aysan jirin wax dammaanad qaad ah in Kabak uu ciyaari doono, markaa marka laga eego dhinaca Liverpool, ma jirto meel ka mid ah xisaabaadkooda maaliyadeed ee xiddigan uu qeyb ka noqon doono.

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa: PSG Oo U Weecatay Lewandowski, Real Oo Heshay Beddelka Zidane Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Read Next

TOOS U DAAWO: WEST BROM VS LİVERPOOL | PREMIER LEAGUE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?