Ibrahimovic Oo Seegaya Euro 2020

Cayaaryahanka xulka qaranka Sweden iyo kooxda Ac Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaan ka soo muuqan doonin xulkiisa koobka Euro 2020, sida uu xaqiijiyay tababare Janne Andersson.

Ibrahimovic ayaa ku soo laabtay xulkiisa bishii Maarso, isagoo ciyaaray kulamadii isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaareen Georgia iyo Kosovo.

Laakiin dhaawac jilibka ah ayaa soo gabagabeeyay rajadii uu ka qabay inuu dalkiisa ku matalo koobka qaramada Yurub ee dib loo qorsheeyey, iyadoo Ibrahimovic uu garoomada ka maqnaan doono kaddib markii Milan ay xaqiijisay qorshe daaweyn ah oo qaadan doonta lix toddobaad.

“Waxaan la hadlay Zlatan Ibrahimovic maanta, kaas oo nasiib darro ii sheegay in dhaawiciisa uu hor istaagi doono ka qeyb galka Horyaalada Yurub xagaagan,” ayuu yiri tababaraha xulka Sweden ee Andersson.

Abdihakim Olad

Read Previous

2014kii Wuxuu Rinjiyeyn Jiray Laamiyada Sao Paulo Haatanna Wuxuu Cayaarayaa Fiinaalka Champions League-ga

Read Next

Cristiano Ronaldo Miyuu Ku Biirayaa Manchester United Mise Wuxuu U Dhaqaaqayaa Sporting CP?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?