Cristiano Ronaldo Miyuu Ku Biirayaa Manchester United Mise Wuxuu U Dhaqaaqayaa Sporting CP?

Mustaqbalka weeraryahanka Juventus ayaa ahaa isha wararka joogtada ah bilihii la soo dhaafay, inkastoo uu dhaliyay goolkiisii 100aad kaliya 131 kulan ee uu ka soo muuqday kooxda Bianconeri kulankii ay dhawaan ka adkaadeen Sassuolo.

Kooxda Marwada duqda ah ayaa baahi weyn u qabta in ay is xoojiso dhammaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo dhaqaala xumadooda haatan ay la micno tahay dib u habeyn xagaaga ah inay u muuqato mid aan macquul aheyn.

Mid ka mid ah sababaha kooxda loogu qasbayo inay xirto xirmooyinkooda lacageed ayaa ah mushaharka indhaha tirada badan ee Ronaldo oo gaaraya 31 milyan oo ginni sannadkii canshuurta kaddib taasoo keeneeysa wararka xanta ah ee tibaaxaya raadintooda ku aadan kala tagitaanka 36 jirkan.

Hadalheynta ayaa sii xoogeysatay dhawaan markii hooyada Cristiano Ronaldo ay u sheegtay taageerayaasha kooxdiisi hore ee Sporting CP ee dalka Portugal in ay hubin doonto inuu kusoo laabto xagaagan

Si kastaba wakiilka Cristiano Ronaldo Jorge Mendes ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada uu xiddiga reer Portugal dib ugu laaban karo kooxda Sporting CP suuqa soo aadan.

Inkastoo uu meesha ka saaray suurtagalnimada ku laabashada Ronaldo ee Portugal, Mendes wuu gaabsaday isagoo ku adkeysanaya in macmiilkiisu uusan ka tagi doonin Juventus.

Kooxo badan ayaa lagu xusay halka uu Ronaldo u dhaqaaqi karo haddii uu ka tago Allianz Stadium, waxaa kamid ah kooxda Manchester United oo si joogto ah loo tilmaamayo inay tahay meesha uu u dhaqaaqi karayo.

Si kastaba ha noqotee, maamulka sare ee Juve waxay si cad u sii adkeeyeen rabitaankooda ah inay ilaashadaan adeega kabtanka Portugal, in kasta oo ay tahay in la arko haddii ay jiraan shaqooyin daaha gadaashiisa ka socda oo lagu dhaqaaqi karayo.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ibrahimovic Oo Seegaya Euro 2020

Read Next

TOOS U DAAWO: Chelsea vs Leicester City | FA-cup Final

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?