Suuqa: Sancho Iyo Lingard Oo La Isdhaafsanayo & Wararkii Ugu Dambeeyay Maanta

Suuqa kala-iibsiga xagaaga ayaa maalinba maalinta ka dambeysa loo sii dhawaanayaa, 9ka bisha June ayay ku beegantahay maalinta uu suuqa sida rasmiga ah u furmi doono. kooxuhuna waxay isku diyaarinayaan dukaameeysiga xilliga xagaaga. haddaba maxaad kala socotaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa?

Su’aashaasi jawaabteeda waxaa kaa haqabtiraysa Garsoore Sports oo kuusoo gudbineysa wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa.

SHEEKADA UGU WEYN: LINGARD IYO SANCHO OO LA IS DHAAFSANAYO

Kooxda Manchester United ayaa dhaqdhaqaaq badan ka sameeyneeysa suuqa kala-iibsiga cayaartooyda maalmihii ugu dambeeyay waxaana si isdaba joog ah loola xiriirnayaa xiddiga kooxda Borrusia Dortmund ee Jadon Sancho.

The Sun ayaa qortay in Manchester United ay usoo bandhigi doonto Jesse Lingard kooxda Borussia Dortmund iyadoo qeyb uga dhigeysa heshiiska isdhaafsi ah oo ay ku dooneyso Jadon Sancho.

United ayaa ceyrsanaysay Sancho sannadkii lasoo dhaafay laakiin ma aysan awoodin inay gacanta ku dhigaan saxiixiisa sababtoo ah ma aysan awoodin inay bixiso qiimaha ay Dortmund ku dooneysay.

Warbixin aan dhowaan idinla wadaagnay ayaa sheegaysay in Manchester United ay dooneyso inay gudbiso dalab 78 milyan oo Euro ah si ay u hesho saxiixa xiddigan kahor Koobka Horyaalada Yurub ee bisha Juun billaabmaya, sida ay qortay jariirrada Bild.

Balse wararkii ugu dambeeyay ayaa tibaaxaya in United ay dooneeyso inay xulashooyin badan fiirsato si ay u hesho adeega xiddigan oo uu kamid yahay xiddigeeda amaahda uga maqan ee kooxda West Ham wacdaraha ka dhigaya waa Jesse Lingard.

Wararka kale ee suuqa

  • The Times ayaa sheegeysa in Manchester City ay si rasmi ah u soo bandhigtay afarta ciyaaryahan ee ugu sarreysa ee bartilmaameedka u ah suuqa xagaaga waxayna kala yihiin Erling Haaland, Harry Kane, Lautaro Martinez iyo Andre Silva.
  • Dambeedka-biddix ee kooxda Southampton Ryan Bertrand ayaa xiiso ka helaya kooxda Leicester City, sida uu sheegayo Leicester Mercury. Xiddigan waxaa sidoo kale xiiseeysa kooxda Waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal.
  • Sida ay qabto Marca, Barcelona waxay heshiis la gashay Memphis Depay, kaasoo dhawaan qandaraaskiisa kooxda Lyon uu dhacayo. Weeraryahanka reer Holland ayaa lagu wadaa inuu markale kula midoobo tababarihiisii hore ee xulka qaranka Holland Ronald Koeman garoonka Camp Nou.
  • Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay dalab ka gudbiso ciyaaryahanka khadka-dhexe ee Atletico Madrid Marcos Llorente kaasoo ku kacaya £ 68m (€ 79m), sida ay qortay Mirror.
  • Kooxda PSG ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah si ay beddel uga dhigto Kylian Mbappe oo laga yaabo inuu xagaaga ka tago kooxda. Faahfaahinta Halkan Ka Aqriso

Abdihakim Olad

Read Previous

Labada Cayaarayahan Ee Codsatay Lambarka 10aad Ee Uu Ka Tagay Mesut Ozil

Read Next

2014kii Wuxuu Rinjiyeyn Jiray Laamiyada Sao Paulo Haatanna Wuxuu Cayaarayaa Fiinaalka Champions League-ga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?