Real Madrid Oo Xiddig Aadan Fileynin Ka Dooneysa Kooxda Tottenham

Kooxda Real Madrid ayaa dooneyso inay Bernebeu keento xiddig ka tirsan kooxda Tottenham, balse xiddigan ayaa dad badan lama filaan ku noqotay xiisaha ay Real u qabto.

Los Blancos ayaa xiiseeyneysa saxiixa xiddiga u dhashay xulka Faransiiska ee Tanguy Ndombele sida laga soo xigtay Football.insider

Mustaqbalka Saxiixa rikoorka u ah Tottenham ayaa cirka ku sii shareeraya kaddib marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga, kooxda Real ayaana si gaar ah xiiso ugu qabta adeega xiddigan si ay uga ciyaarsiiyaan khadka-dhexe ee garoonka Bernebeu oo haatan ay ku suganyihiin xiddigo gabow ah.

Kooxda reer London ayaan wali go’aan ka gaarin inay dhageysato dalabyada u imaanaya ciyaaryahanka reer Faransa oo 24 sanno jir ah, maxaa yeelay taasi waxay ku xirnaan doontaa dhowr arrimood oo ay ku jiraan in la helo tababare cusub.

Spurs ayaa wadahadalo kula jirta musharixiin kala duwan iyagoo raadinaya inay helaan bedelka joogtada ah ee tababaraha ay ceyriyeen ee Jose Mourinho isbuucyada soo socda.

Ndombele wuxuu ahaa mid si joogta ah u bilaawday inta badan xilli ciyaareedkiisii labaad ee waqooyiga London wuxuuna ka fiicnaaday sidii uu ku ahaa ololihiisii ugu horreeyay ee dhibaatada badnaa.

Abdihakim Olad

Read Previous

PSG Oo Dooneysa Saxiixa Mohamed Salah

Read Next

”Guuldarradii Liverpool Waxaa Saameeyay Dibbadbaxyadii Taageerayaasha” – Solskjaer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?