PSG Oo Dooneysa Saxiixa Mohamed Salah

Kooxda kubbada-cagta ee Paris St. Germain ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto garabka reer Masar ee kooxda Liverpool Mohamed Salah.

Paris Saint-Germain ayaa xiddigan ka dhigtay qorshahooda 2aad iyadoo mustaqbalka Kylian Mbappe ee Paris laga yaabo inuu soo idlaado xagaagan, sida ay qortay ESPN.

Kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ayaa dooneysa inay hubiso inaanay xulasho la’aan ka noqonin 3da hore ee weerarka, iyadoo duullaan lagu qaadayo Anfield la bilaabi doono haddii xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka uu ka tago Parc des Princes.

Salah, oo Liverpool ay 42 million oo horudhac ah ugala soo wareegtay kooxda Roma xagaagii 2017 isla markaana uu horumar ka sameeyay kooxda macalin Jurgen Klopp, ayaa dhawaan sheegay in kooxdu aysan weli usoo bandhigin heshiis cusub.

Si kastaba ha noqotee, Klopp ayaa sidoo kale horay u sheegay inuusan dooneynin inuu tago mid kamid ah seddexdiisa weerar ee hore (Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino) xagaagan.

Inkasta oo si weyn loo ogyahay in tababaraha cusub ee PSG Mauricio Pochettino uu taageere u yahay Salah, hadana uma badna in Reds ay ku iibin doonto xiddigooda wax ka yar € 80m.

Abdihakim Olad

Read Previous

Van Dijk Oo Go’aansaday Inaanu Cayaarin Tartanka Qaramada Yurub Ee Xagaaga Iyo Sababta Ka Dambeysa Go’aankiisa

Read Next

Real Madrid Oo Xiddig Aadan Fileynin Ka Dooneysa Kooxda Tottenham

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?