”Guuldarradii Liverpool Waxaa Saameeyay Dibbadbaxyadii Taageerayaasha” – Solskjaer

Tababaraha kooxda Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku andacooday in guuldarradii kooxdiisa xalay kasoo gaartay kooxda Liverpool ay sabab u ahayd dibbadbaxyadii ay taageerayaasha kooxdiisa ka sameeyeen garoonka Old Trafford todobaadkii hore balse markale ayay dibbada garoonka dibbadbax ka sameeyeen kahor kulankii xalay waxaana dibbadyaxyadii hore ay sabab u noqdeen in kulanka dib loo dhigo xalayna la cayaaro.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ciyaartoydiisa Manchester United ay saamayn ku yeelatay isbeddel ku yimid diyaar garowgii ciyaarta kahor sababtuna ay ahayd in taageerayaashu ay ku banaanbaxayeen banaanka garoonka.

Muxuu yiri?

Markii Solskjaer la waydiiyay sida uu isbeddelka isku diyaarinta kulanka kahor uu u saameeyay kooxdiisa, wuxuu ku jawaabay: “Waxaan u maleynayaa in ciyaartoydu si fiican u maareeyeen, midkoodna ma caban, kaliya wuu la qabsaday. Waan ogeyn inay dhici doonto sidaa darteed ma jirin meel la isaga lumiyo tamarta wixii aan la xakamayn karin.

”Diyaar garowga wuu ka duwanaa kii hore laakiin wax cudur daar ah ma sameeyn doonno.”

“Ma helin natiijo iyo waxqabad, waxay u badan tahay inay iyaga{cayaartooyda} waxyar uun saameeysay laakiin cudurdaar kama dhigayso.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Madrid Oo Xiddig Aadan Fileynin Ka Dooneysa Kooxda Tottenham

Read Next

”Habeenka Badhkiis Ayuu Ooynayay” – Roy Keane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?