2014kii Wuxuu Rinjiyeyn Jiray Laamiyada Sao Paulo Haatanna Wuxuu Cayaarayaa Fiinaalka Champions League-ga

Gabriel Fernando de Jesus (wuxuu dhashay 3-dii Abriil 1997), waxaanaa uu caan ku yahay magaca ‘Gabriel Jesus’, waa xirfadle kubbadda-cagta ah oo reer Brazil ah wuxuuna weerarka uga cayaaraa kooxda Premier League ee Manchester City iyo xulka qaranka Brazil.

Xilligii la qaadayay sawiradan hoose, xiddiga kooxda Manchester City, ayaa waxaa uu u cayaarayay kooxda Palmeiras isagoo qeyb ka ahaa tartanka 17 jirrada ee magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, wuxuuna markaas dhaliyay 37 gool 22 kulan oo uu saftay.

Sida sawirka ka muuqda, Gabriel Jesus ayaa isagoo kabo la’aan ah taagan waddo duug ah oo ku taalla magaalada Sao Paulo, Jesus wuxuu ahaa xilligan ahaa 17 jir ku riyoonaya in uu ku ciyaaro funaanadda jaallaha ah ee xulka Brazil. Wuxuuna ahaa, sida kuwa badanba, mid u diyaar garoobaya in xulkiisa ay ku guulleeystaan Koobkii Adduunka ee 2014kii ay marti-gelinayeen.

Jesus ayaa sawirrada uu laamiga riinjiyeynayo soo dhigay bartiisa twitterka iyo instagram-ka xilli hore balse goor dhaweyd ayaa la billaabay in fiirro gaar ah loo yeesho.

2 sanno kaddib Jesus ayaa Brazil u horseeday billaddii ugu horreysay ee dahabka ah ee Olombikada taariikhdooda sannadkii 2016, isagoo dhaliyay seddex gool lix kulan oo uu ciyaaray si uu uga caawiyo inuu bogsiiyo dhaawacii ka dhashay guuldarradii Koobkii Adduunka ee 2014.

4 sanno kaddib Gabriel Jesus ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka xilli ay da’diisu ahayd 21 jir kulan ay Brazil la ciyaarayeen Switzerland sannadkii 2018kii.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbarro 1:1 ah balse cayaaryahanka sida aadka ah dadka usoo jiitay wuxuu ahaa weeraryahanka da’yarka ah ee Manchester City Gabriel Jesus, kaasoo ahaa weeraryahanka dhexe ee ugu weyn ee ku soo billoowda safka xulka kubbada-cagta ee Brazil.

Wuxuu xulkiisa sidoo kale kula guulleeystay Tartankii Copa América ee 2019.

Xiddigan keliya guullo lama gaarin xulkiisa Brazil wuxuu sidoo kale guullo waaweyn la gaaray kooxda Manchester City isagoo kula guulleeystay 3 horyaal oo Premier League ah, 1 FA Cup ah, 4 League Cup ah iyo Sidoo kale 2 mar oo uu kula guulleeystay tartanka Community Shieldka.

Xiddigan caanka ku ah debaaldega taleefanka ayaa isagoo sharraxaya sababta ka dambeysa yiri “Dabaaldegaygu waa farriin ku socota saaxiibadaydii hore oo aan ka jawaabin wicitaanadaydii markii aan ku sugnaa Palmerias[waa xilliyadii uu riinjiyeynayay laamiyadda], laakiin fariin ii soo dirtay markii aan u soo dhaqaaqay Manchester City. ”.

Runtii, waxbadan ayaa iska beddelay nolosha Gabriel Jesus waqtiga u dhaxeeya sawirada uu riinjiyeeynayo laamiyada magaalada Sao Paulo iyo tan maanta.

Sababtoo ah Xiddigan ayaa haatan kooxdiisa Manchester City u cayaarayaa kama dambeysta tartanka ugu qaaradda Yurub ee UEFA Champions League-ga marka ay la cayaarayaan kooxda Chelsea 29ka bishan May.

Xiddigan 24 sanno jirka ah ayaa laga yaabaa inuu haatan ku noolaanayo nolol aad sarreeysa kaddib markii uu u soo muuqday mid ka mid ah xirfadlayaasha ugu xiisaha badan kubbada-cagta adduunka, laakiin billowgii safarkiisa xulka Brazil iyo kooxda Manchester City ayaa weli ku cusub xusuusta dadweynaha.

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa: Sancho Iyo Lingard Oo La Isdhaafsanayo & Wararkii Ugu Dambeeyay Maanta

Read Next

Ibrahimovic Oo Seegaya Euro 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?