Van Dijk Oo Go’aansaday Inaanu Cayaarin Tartanka Qaramada Yurub Ee Xagaaga Iyo Sababta Ka Dambeysa Go’aankiisa

Daafaca xulka qaranka Netherlands ee Virgil van Dijk ayaa iska fogeeyay inuu cayaari doono Koobka Qaramada Yurub ee xagaagan, wuxuuna taa bedelkeeda diirada saarayaa inuu kusoo laabto kooxda Liverpool xilli ciyaareedka 2021-22.

Kabtanka Holland ayaa sheegay inuu ku “nabbad-qabo” go’aankiisa maadaama uu doonayo inuu kasoo kabsado dhaawac jilibka ah oo soo gaaray billowgii xilli ciyaareedkan.

Kabtanka Netherlands ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii Oktoobar kaddib markii uu dhaawac kasoo gaaray jilibka lugtiisa biddix markii ay isku dhaceen goolhayaha Everton ee Jordan Pickford.

29-sano jirkaan ayaa si kastaba ha ahaatee wuxuu si wanaagsan ugu socdaa wadadii soo kabashada, waxaana la sawiray isagoo kubbad ku dhex cayaaraya xerada tababarka Liverpool ee Kirkby, sidoo kale wuxuu soo bandhigayaa muuqaalo isagoo banaanka u ordaya.

Muxuu Yiri?

Isagoo la hadlaya Website-ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool ayuu yiri

”Waxaan la imid go’aan ay ahayd inaan sameeyo: Miyaan ku lug lahaan doonaa Euro-ga, haa mise maya?

”Waxaan dareemayaa jir ahaan inay tahay go’aanka saxda ah ee aan go’aansaday inaanan aadin Euro-ga isla markaana aan galo wajigeyga ugu dambeeya ee soo kabashada inta lagu jiro xilliga fasaxa.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Neymar: Ronaldo Inaan La Cayaaro Ayaan Doonayaa

Read Next

PSG Oo Dooneysa Saxiixa Mohamed Salah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?