Qorshaha Arteta Ee Kusoo Laabashada Arsenal Ee Champions League-ga

Isbeddelo waa weyn ayaa la filayaa garoonka Emirates Stadium xilli-cayaareedka soo aadan iyadoo Gunners ay dooneyso inay kasoo kabsato niyad jabkii ay kala kulantay xilli ciyaareedkan sii dhammaanaya.

Bal aan waqtiga ku yara noqonee, bishii August 2020 Arsenal waxay u dabaal-degaysay ku guulleeysiga Fa Cup-ka markii ay 2:1 kaga adkaadeen kooxda Chelsea oo ay uga mahadcelinayaan labadii gool ee kabtan Aubameyang.

Kooxdii uu xilligaas hoggaaminayay isla tababaraha haatan ee Mikel Arteta ayaa u muuqatay kuwo awood badan oo u tartami kara hanashada Horyaalka ama haddaan si kale u dhigno awood u leh u tartamida tartamadii ay qeybta ka ahaayeen. iyadoo kooxda ay isku magaalada yihiiin ee Chelsea ay keliya awooday si ay wax uga qabato bandhigyadoodii liitay inay ceyriyaan tababarahoodii Frank Lampard.

Kaddib wax ka yar sannad oo ay labada kooxood midba wada gaar ah jeexeeysay haatan malaha aad bay u kala duwanyihiin.

Kahor kulanka caawa ee labada kooxood ku wada kulmaya garoonka Stamford Bridge, Arsenal ayaa fadhisa kaalinta sagaalaad ee kala sarreynta Premier League-ga waxayna weli isku dayeysaa inay kasoo kabato ka bixitaankii semi-finalka Europa League-ga ee isbuucii la soo dhaafay, guuldarradaas oo ka dhigtay inay wajahaan xilli ciyaareedkoodii ugu horreeyay iyagoo aan kubadda-cagta Yurub cayaarin muddo 25 sano ah.

Dhanka kale kooxda chelsea ayaa fadhisa kaalinta 3-aad ee kala sarraynta Premier League-ga iyaga oo goordhaw la ciyaari doona kooxda Leicester finalka FA Cup-ka. Waxayna sidoo kale heystaan finalka Champions League ee soo socota oo ay wajahayaan Manchester City.

Tan iyo markii loo magacaabay Thomas Tuchel inuu noqdo beddelka Lampard bishii Janaayo, Blues ayaa ku jirtay dhabbe sare.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Arteta ee Arsenal, ayaa waxay gabi ahaanba awoodi kari la’dahay inay xoojiso awoodooda kaddib hanashadii xilli ciyaareedkii hore ee FA Cup-ka waxayna is aragtay inay ka dambeeyaan kooxda ay London ku xafiiltamaan mar kale.

Isbeddelada Arsenal Ee La Filayo

Arsenal ayaa isha ku heysa inay ku xoojiso dhinacyo dhowr ah marka uu furmo suuqa kala iibsiga, iyadoo labo daafac oo cusub, weeraryahan iyo goolhaye ay ajandaha ugu jiraan.

Arteta iyo aggaasimaha farsamada kooxda ee Edu ayaa ka warqaba in xulashooyinka kooxda ee dhanka weerarka ay u baahan yihiin in la cusbooneysiiyo, iyadoo Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah ay labaduba macquul tahay inay baxaan.

Atletico Madrid ayaa muddo dheer xiiseyneysay xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska {Lacazette} halka 29 jirkan uu weli kooxda ka yahay mid laga xiiseeyo iyadoo isla markaana uu u riyaaqayo tababare Arteta, waxaase jira dareen ah in bixitaankiisa uu keeni karo lacago qaali ah si uu gacan uga geysto beddelkiisa

Arsenal ayaa sii wada daawashada cayaaryahan Odsonne Edouard, iyadoo 23 jirkaan la filayo inuu ka tago kooxdiisa Celtic dhammaadka xilli-ciyaareedkan. Si kastaba ha ahaatee, waxay tartan adag kala kulmi doonaan kooxda Leicester City si ay u helaan da’yarka reer France.

18-sano jirka kooxda Sporting Lisbon weerarka uga ciyaara ee Tiago Tomas ayaa ah mid kale oo ajendaha ku jira, halka Moussa Dembele-ha Lyon oo haatan amaah ugu jooga Atletico Madrid sidoo kale lala xiriiriyay.

Arteta wuxuu heystaa cayaartoy muhiim ah oo ka tirsan kooxdiisa haatan kuwaasoo uu doonayo inuu ku dhiso mustaqbalka Arsenal.

Bukayo Saka iyo Emile Smith ayaa hadda ah xiddigo safka koowaad ah inkastoo ay da ‘yar yihiin haddana waxay ka ciyaari doonaan doorar waaweyn xilli ciyaareedka dambe.

Thomas Partey wuxuu u adkeystay ololihi ugu horeeyay ee England dhaawacyo awgood, laakiin Arteta wuxuu kalsooni buuxda ku qabaa 27 jirkaan wuxuuna ku lammaaneyn karaa lamaane qadka dhexe cusub, iyadoo xiddiga Brighton ee Yves Bissouma la fahamsan yahay inuu bartilmaameed u yahay.

Daafaca waxaa jooga Kieran Tierney iyo Gabriel Magalhaes, halka kabtanka Pierre-Emerick Aubameyang uu halbowle u ahaan doono kooxda Arteta iyadoo daafaca dhexe ee William Saliba lasiin doona fursad uu ku qanco kaddib amaahdii uu kusoo qaatay kooxda Nice ee dalka Faransiiska.

Taas ka sokow, waxaa jira suurtagalnimo ay kooxda Arsenal ku wajihi karto milkiile cusub xagaaga, waa haddii dalab ku habboon yimaado.

Go’aan muhiim ah ayaa wajahaya Arsenal oo ku xeeran mustaqbalka Bernd Leno.

Arteta ayaa si weyn u taageeray goolhayaha reer Jarmal xagaagii hore markii uu u doortay Nambarkiisa 1aad isagoo u ogolaaday Emiliano Martinez inuu u tago Aston Villa.

Laakiin qaab ciyaareedka Leno ayaa ahaa mid aan joogto ahayn xilli ciyaareedkan, wuxuuna qirtay inuu u furan yahay inuu baxo.

Arsenal ayaa raadineysa goolhayaha Ajax Andre Onana iyo midka Brentford David Raya , kuwaasoo ay u arkaan inay yihiin bedelka ugu macquulsan ee Leno, kaasoo labo sano uga harsan tahay qandaraaskiisa kooxda mana uusan galin wadahadallo heshiis kordhin ah.

Hal xiddig oo u muuqda inuu hubaashii baxayo xagaagan waa Hector Bellerin. Xiddiga reer Spain ayaa ku dhawaaday inuu ka tago kooxda kaddib fiinaalkii FA Cup-ka ee sannadkii hore laakiin waxaa ku qancay Arteta sidaas ayuuna ku joogay kooxda iyadoo todobaadyadii ugu dambeeyay la arkayay inaanan lagu kalsooneyn adeega xiddigan maadaama uu booskiisa u waayo marmarka qaar xiddigaha Calum Chambers iyo Cedric Soares.

Ka dhaqaaqida woqooyiga London ayaa haatan u muuqata xulashooyinkiisa mida ugu weyn, iyadoo Arenal ay doonayso inay keeno daafac-middig kaasoo siin doona tayo sarreeysa oo lamid ah mida Tierney oo dhinaca biddix ka daafacda.

Waxaana wararkii ugu dambeeyay ay soo warinayaan in kooxda Gunners ay tartan ugu jirto saxiixa Ryan Bertrand, kaasoo lagu heli doono beeca xorta kaddib markii uu doorbiday inuu heshiis u saxeexin kooxdiisa Southampton.

Lacagaha la taaban karo ayay kooxda ka aruurin kartaa iibinta Joe Willock, Ainsley Maitland-Niles, Matteo Guendouzi iyo Lucas Torreira – kuwaas oo dhammaantood haatan ku maqan amaah – halka Bellerin, Leno iyo Lacazette ay soo saari doonaan lacago badan, haddii la iibiyo.

Si kastaba ha ahaatee,Tababare Arteta ayaa si dhab ah u garanaya waxa uu doonayo in uu sameeyo si ay kooxdiisu iyagoo xooggan ugu soo laabato tartamada ay la galayaan kooxaha chelsea, Liverpool, Man United iyo Man City ololaha xiga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Solskjaer Oo Si Adag Uga Hadlay Kulamada United Ee Kaabiga Iskuhaya

Read Next

Neymar: Ronaldo Inaan La Cayaaro Ayaan Doonayaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?