Neymar: Ronaldo Inaan La Cayaaro Ayaan Doonayaa

Xiddiga kooxda PSG iyo xulka Brazil ee Neymar Jr ayaa sheegay inuu doonayo inuu la cayaaro xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ee haatan u safta Juventus, Cristiano Ronaldo.

Neymar ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu la ciyaaro Cristiano Ronaldo, kaasoo si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain bilihii la soo dhaafay.

PSG waxay bixisay lacag rikoor ah oo gaareysa 222 million oo Euro si ay Neymar ugala soo saxiixato kooxda Barcelona sannadkii 2017, halkaasoo uu ka dhex ahaa mid kamid cayaartoydii ugu fiicnaa jiilkiisa.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka soo dhalaalay la safashada Lionel Messi iyo Luis Suarez ee garoonka Camp Nou, sidoo kale waxa uu markaa kaddib kusoo baxay koox heer caalami ah oo ka dhisan Parc des Princes, laakiin weli waxa uu hayaa hamigiisa ah inuu ka garab ciyaaro ciyaaryahanka shanta jeer ku guulleystay Ballon d’Or ee haatan hoggaaminaya safka kooxda Talyaaniga ee Juventus.

Neymar Muxuu Yiri?

“Waxaan doonayaa inaan la cayaaro Cristiano Ronaldo, waxaan horey ula soo cayaaray cayaartoy waa weyn sida Messi iyo [Kylian] Mbappe, laakiin wali lama aanan ciyaarin Cristiano Ronaldo” ayuu Neymar u sheegay GQ France.

Miyuu Ronaldo ka tagi karaa Juventus xagaagan?

Cristiano Ronaldo ayaa waqtiisii ugu wanaagsanaa ee guulaha ku qaatay kooxda Real Madrid kahor inta aanu ku biirin Juventus 2018, tan iyo markaasna wuxuu Bianconneri kula guulleeystay labo horyaal oo Serie A ah.

Si kastaba ha noqotee, xiddiga reer Portugal ayaa awoodi waayay inuu ku dhiirrigeliyo Bianconeri inay ku guuleystaan Champions League-ga, waxaana lasoo jeediyay inuu ka tagi karo kooxda haddii ay ku guuldarreystaan inay u soo baxaan tartankan dhammaadka xilli ciyaareedkan.

PSG ayaa lala xiriirinayay inay dalab ka gudbiso Ronaldo xagaaga, halka suurtogalnimada inuu ku laabto Madrid sidoo kale laga hadlay, laakiin madaxweyne ku xigeenka Juventus ee Pavel Nedved ayaa ku adkeysanay inuu dhammeysan doono qandaraaskiisa kooxda oo dhacaya sannadka soo aadan ee 2022.

Abdihakim Olad

Read Previous

Qorshaha Arteta Ee Kusoo Laabashada Arsenal Ee Champions League-ga

Read Next

Van Dijk Oo Go’aansaday Inaanu Cayaarin Tartanka Qaramada Yurub Ee Xagaaga Iyo Sababta Ka Dambeysa Go’aankiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?