Koeman Oo Dusha Saartay Mas’uuliyadda Barbarrihii Levante

Rajaddii Barcelona ee ku guulleysiga horyaalka LaLiga ayaa waxaa soo wajahay dib u dhac weyn maadaama ay barbarro la galeen kooxda dagaalamaysa ee Levante.

Tababaraha kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa qaatay masuuliyadda natiijada kulankii kooxdiisa ay barbarraha 3-3 la galeen kooxda Levante.

Blaugrana ayaa looga daba yimid horraantii labo gool oo ay hoggaanka ku hayeen kaddibna goolkale oo ay markale hoggaanka ku qabteen ayaa lagu kansalay gool xilli dambe ay la yimaadeen kooxda Levante taas oo dhalisay natiijo u horseedi karta dhammaadka tartankooda horyaalka.

Barbarrahan ayaa ka dhigan in Barcelona ay hal dhibic ha hooseeyso kooxda kaalinta koowaad ee Atletico Madrid, oo uu kulan baaqi u yahay.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa kulanka kaddib u waramay saxaafadda.

“Tababare ahaan aniga ayaa ah kan ay masuuliyadda badan saarantahay,” Koeman ayaa ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.

“Ciyaartoyda, shaqaalaha farsamada iyo tababarayaasha, dhamaanteen waan murugeysanahay.”

“Hadda, waa inaan u diyaar garownaa labadii kulan ee ugu dambeysay oo aan isku diyaarinaa kal-ciyaareedka soo socda. Laakiin marka hore waa inaan ka gudubno natiijadii maanta, oo ah wax adag in la sameeyo.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Gianluigi Buffon Oo Ka Tagaya Juventus Dhammaadka Xilli-cayaareedkan – Miyuu Ka Fariisanayaa Cayaaraha?

Read Next

Solskjaer Oo Si Adag Uga Hadlay Kulamada United Ee Kaabiga Iskuhaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?