“Waxay Rabaan Inay Keydka Dhigaan Taasi Way Ila Fiicantahay Aniga.” – Wakiilka Gareth Bale Oo Shaki Galiyay Mustaqbalka Xiddigan Ee Garoonka Bernebeu

Wakiilka xiddiga kooxda Real Madrid ee haatan amaahda ugu cayaara kooxda Tottenham ayaa shaki geliyay mustaqbalka macamiilkiisa ee garoonka Bernebeu ee kooxda Los Blancos ay ku cayaarto.

Jonathan Barnett oo ah wakiilka Gareth Bale ayaa sheegay inuu shaki ka qabo in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Tottenham uu weli mustaqbal ku leeyahay Real Madrid, laakiin waxa uu ku kaftamay in haddii ay doonayaan inay kursiga keydka dhigaan ay xiddigan u fiicantahay isagoo tibaaxaya marka loo eego mushaharka uu ka qaato kooxda.

Bale ayaa dib ugu biiray Spurs heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah oo ay kaga soo qaateen Real Madrid xagaagii lasoo dhaafay, isagoo markii hore ka tagay waqooyiga London si uu tartan cusub uga galo garoonka Santiago Bernabeu sannadkii 2013.

31 jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu joogteeyo qaab-cayaareedkiisa inta lagu gudajiray ololihii qasnaa ee Tottenham laakiin waxaa uu muujiyay ilays bidhaaminaya qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, waxaana lagu soo waramayaa inay Tottenham raadinayaan inay sii dheereystaan amaahdiisa..

MAXAA LA YIRI?

Wakiilka xiddigani ayaa sheegay in go’aanka ugu dambeeya ee ku aadan talaabada xigta ee Bale aan wali la gaarin, laakiin wuxuu xaqiijiyay inuu u fariisan doono wadahadalo uu la yeelanayo Spurs iyo madaxda Madrid marka waqtiga saxda ah la gaaro.

”Weli waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, laakiin kaliya afar kulan ayaa harsan marka waa inaan aragnaa, ” Wakiil Barnett ayaa u sheegay SNTV.

“Waa dood seddex geesood ah; waa annaga, Real Madrid iyo Tottenham. Waxaan leenahay aragtideena waana u sheegi doonnaa waqtiga saxda ah.”

Barnett ayaa carabka ku adkeeyay in xiddiga reer Wales oo wali hal sano uga harsantahay heshiiskiisa Madrid oo ay tahay inuu Bernabeu ku laaban karo xilli ciyaareedka soo aadan. Barnett ayaa isagoo hadalkiisa sii wata raaciyay: “Aad ayaan uga shakisanahay taas, laakiin haddii ay doonayaan inay kursiga keydka dhigaan. markaa taasi waa hagaagsan tahay.”

“Waxay rabaan inay keydka dhigaan isagoo qaata mushaarkaas? Taasi sidoo kale aniga way ila fiican tahay.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Ma’aha Turkiga, Mana Ahan UK – Halkee Ayay U Badantahay İn Lagu Qabto Fiinaalka Champions League-ga?

Read Next

Suuqa: Barca Oo Ka Go’an Saxiixa Haaland, Arsenal Oo Xiddig Lasoo Saxiixaneysa Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?