Suuqa: Barca Oo Ka Go’an Saxiixa Haaland, Arsenal Oo Xiddig Lasoo Saxiixaneysa Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Suuqa kala-iibsiga xagaaga ayaa maalinba maalinta ka dambeysa loo sii dhawaanayaa, 9ka bisha June ayay ku beegantahay maalinta uu suuqa sida rasmiga ah u furmi doono. kooxuhuna waxay isku diyaarinayaan dukaameeysiga xilliga xagaaga. haddaba maxaad kala socotaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa?

Su’aashaasi jawaabteeda waxaa kaa haqabtiraysa Garsoore Sports oo si joogto ah kuugu soo gudbineysa wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa.

HADALHEYNTA MAANTA – BARCA KAMA HARIN HAALAND

Erling Haaland ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee kooxda Barcelona, sida laga soo xigtay Diario Sport.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund Haaland ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Barca, Real Madrid, Manchester City, Chelsea, Manchester United, Liverpool, Bayern Munich, Juventus iyo Paris Saint-Germain.

Inkastoo Barcelona ay maskaxda ku heyso dhibaatooyin dhaqaale iyo suuq jaban, weli waxa ka go’an inay Haaland keento Camp Nou, inkastoo xiddiga Inter ee Lautaro Martinez iyo xiddiga Tottenham ee Harry Kane ay weli yihiin xulashooyinka suurtogalka ah.

Wararka Kale Ee Suuqa

  • Le10Sport ayaa sheegaysa in kooxda Arsenal ay si aad ah u xiiseyneyso inay Waqooyiga London keento da’yarka kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga. Camavinga ayaa ah xiddig si weyn loo baadi goobayo iyadoo lala xiriirinayo kooxaha Madrid, United iyo PSG. Dhanka kale, Mundo Deportivo, ayaa warinaysa in Barca ay indhaha ku hayso laacibka reer France si ay ugu buuxiso booska Sergio Busquets.
  • AC Milan ayaa ku tala jirta inay heshiis rasmi ah ka saxiixato Fikayo Tomori oo ay kala soo wareegto Chelsea, sida uu warinayo Fabrizio Romano. Tomori ayaa wacdaro dhigaya tan iyo markii uu amaah ku yimid San Siro. Waxayse ku soo aadeysaa xilli Chelsea ay ka shaqeyneyso inay qandaraaska u kordhiso daafac Thiago Silva.
  • FT ayaa sheegeysa in xiddiga Bayern Kingsley Coman uu doonayo in loo laba jibbaaro mushaharkiisa si loo kordhiyo qandaraaska uu kooxda kula jiro. Ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa horay loola xiriiriyay kooxda Manchester United.
  • Liverpool ayaa muujisay xiisaha ay u qabto weeraryahanka Leeds United ee Patrick Bamford, sida laga soo xigtay The Athletic.
  • Calciomercato ayaa warinaya in kooxda heysata horyaalka Serie A ee Inter iyo Lazio ay diirada saarayso weeraryahanka Chelsea ee Olivier Giroud, kaasoo qarka u saaran inuu ka tago garoonka Stamford Bridge iyadoo lala xiriirinayo Blues inay la xiriirto xiddiga Bayern ee Robert Lewandowski ama wakiilka xorta ah ee City Sergio Aguero.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Waxay Rabaan Inay Keydka Dhigaan Taasi Way Ila Fiicantahay Aniga.” – Wakiilka Gareth Bale Oo Shaki Galiyay Mustaqbalka Xiddigan Ee Garoonka Bernebeu

Read Next

Arsenal Oo Ceyrineysa Xiddigo Uu Kamid Yahay Leno

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?