Gianluigi Buffon Oo Ka Tagaya Juventus Dhammaadka Xilli-cayaareedkan – Miyuu Ka Fariisanayaa Cayaaraha?

Buffon oo ku soo laabtay Juventus sannadkii 2019 kaddib sannad uu ku qaatay PSG, ayaa qarka u saaran inuu ka tago Bianconeri markale.

Goolhaye Gianluigi Buffon oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxdisa Juventus dhammaadka xili-cayaareedkan balse wali ma uusan go’aansan haddii uu cayaaraha ka fariisanayo iyo haddii kale.

43 jirkaan ayaa dib ugu soo laabtay kooxda labo sano kahor isagoo xilli ciyaareedkii 2018-19 ku qaatay Paris Saint-Germain, balse wuxuu dareensan yahay in labada dhinac ay gaareen ‘xilligii is macsalaameynta’.

Intii lagu gudajiray waayihiisii labaad ee Turin, Buffon wuxuu dookha labaad u ahaa goolhaye Wojciech Szczesny, wuxuuna ciyaaray 16 jeer kulamada Serie A iyo billowgii 2019-20.

Waxaa xilli-cayaareedkii hore ku guuleystay horyaalkiisii 11aad, iyadoo uu hoggaaminayo saaxiibkiisii hore Andrea Pirlo.

Ololaha 2020-21 ayaa culeys ku ahaa kooxda Bianconeri, oo fadhisa kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Serie-A iyadoo seddex kulan uu ka harsanyahay in la cayaaro hayeeshee kooxda ay xafiiltamaan ee Inter Milano ayaa todobaadkii hore loo caleema saaray horyaalnimada.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barca Oo Heshay Saxeexoodii Ugu Horreeyay Xagaaga

Read Next

Koeman Oo Dusha Saartay Mas’uuliyadda Barbarrihii Levante

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?