Barca Oo Heshay Saxeexoodii Ugu Horreeyay Xagaaga

Kooxda kubbada-cagta ee Barcelona ayaa heshiis la gaartay kooxda Manchester City oo ku aadan saxiixa daafac Eric Garcia, sida ay Goal ku warantay.

Garcia ayaa si bilaash ah ugu dhaqaaqi doona Camp Nou marka qandaraaskiisa haatan ee City uu soo idlaado dhammaadka bisha June.

20 jirkan ayaa kasoo dhex muuqday safka dhalinyarada ee La Masia oo ah akadeemiga kooxda Barcelona kahor inta uusan u dhaqaaqin Manchester City sannadkii 2017, laakiin sida ay wararku sheegayaan wuxuu kusoo laaban doonaa Barcelona kahor xilli ciyaareedka 2021-22.

Cayaaryahankan heerka caalami ee dalka Spain ayaa xilli ciyaareedka ku dhammeysan doona kaliya 10 kulan oo uu u saftay kooxda macalin Pep Guardiola ee City, Garcia ayaa sidoo kale ka tagi doona Etihad Stadium isaga oo aan hal gool dhalinin mudadii uu ku sugnaa laakiin waxa uu CV-giisa ku haystaa biladaha Carabao Cup iyo Community Shield.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Iyo Milan Oo Isku Heysta Saxiixa Ryan Bertrand

Read Next

Gianluigi Buffon Oo Ka Tagaya Juventus Dhammaadka Xilli-cayaareedkan – Miyuu Ka Fariisanayaa Cayaaraha?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?