Xiddigii Arsenal Lala Xiriirinayay Oo PSG U Saxeexay

Kubbadsameeyaha Jarmalka ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqo Gunners ama uu sidoo kale dib ugu laabto horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalka balse kooxdiisa PSG ayuu u saxeexay heshiis cusub.


Cayaaryahan Julian Draxler ayaa qandaraaska u kordhiyay kooxda Paris Saint-Germain, sida ay qortay L’Equipe,

Ciyaaryahankan khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa heshiis cusub u saxeexay kooxda ka dhisan Ligue 1ka dalka Faransiiska waxaana uu seddex sano u huray ka cayaarista magaalada Paris.


Heshiiskan lasoo wariyay ayaa yimid waxyar kaddib markii lagu dhawaaqay heshiis kordhintii Neymar, taasoo ka dhigeysa toddobaad muhiim u ah mustaqbalka safka hore ee kooxda PSG.

Hayeeshee Kylian Mbappe, ayaa si kastaba ha ahaatee, wuxuu weli yahay mid aanan qandaraas cusub loosoo bandhigin waxaana lala xiriirnayaa kooxo badan oo Yurub ka dhisan.


Draxler, oo 27 jir ah, ayaa qirtay dayrtii hore inuu ka fiirsaday inuu ka dhaqaaqo kooxdiisii PSG.

Tan iyo markaas, Arsenal iyo Bayern Munich ayaa kamid ahaa kooxaha la sheegay inay isha ku hayeen adeegiisa. hase ahaatee , wuxuu haatan u ciyaari doonaa PSG inta ka harsan 30ka sano jirkiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Madrid Oo Fursad Dahabi Ah Iska Lumisay Iyadoo Barbarro Fakasho Ah La Gashay Kooxda Sevilla

Read Next

Suuqa: Bayern Oo United Kula Dhegan Sancho, Ramos Oo Ku Wajahan PSG Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?