Xiddiga Chelsea Lala Xiriirinayo Oo Ka Hadlay Arrimaha Suuqa – Miyuu Ka Dhaqaaqayaa Inter?

Xiddiga daafaca ugu cayaara kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar ayaa ka jawaabay wararka isaga la xiriirinaya kooxaha xiiseeynaya oo ay Chelsea hoggaanka u heyso.

Ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Slovakia ayaa todobaadyadii u dambeeyay la hadalhayay inuu isaga tagayo Inter, laakiin wuxuu sheegay inuu iska indha tirayo wararkaasi.

Milan Skriniar ayaa ka warqaba wararka xanta ah ee la xiriirinaya kooxaha Chelsea ,Tottenham iyo Manchester United laakiin daafaca Inter ayaa sheegay inuusan ahmiyad siineynin.

Daafaca dhexe ee taliska kooxda Inter Milano ayaa loo weecinayay inuu u dhaqaaqo horyaalka Premier League-ga in muddo ah, iyadoo tayada xiddigan la sheegay inay soo jiidanayso radaarrada kooxaha waaweyn marka la gaaro suuqa xagaaga.

26 jirkaan ayaa si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku faraxsan yahay ka cayaarista garoonka San Siro – isagoo kooxdiisa xilli-cayaareedkan kula guuleeystay koobka Serie A-da dalkaasi, waxaana uu xiddigan sheegay inuusan ku deg degeynin raadinta xulashooyinka la filayo inay isaga u furan yihiin.

Maxuu yiri?

Skriniar ayaa u sheegay Sport Aktuality xiisaha loo qabo inuu meelo fog ka soo jiidan doono: “Waxaa jiray warar xan ah, waa jiraan waana jiri doonaan.

”Si kastaba ha noqotee, weligey ma dhageysan faallana kama bixin .

”Dabcan, isma beddeli doonto xilli ciyaareedkan kaddib.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa: Bayern Oo United Kula Dhegan Sancho, Ramos Oo Ku Wajahan PSG Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

Read Next

Ballon D’or: Qiimeeyntii Ugu Dambeeysay Ee Liiska Xiddigaha Ku Tartamaya Abaalmarinta Sannadkan 2021

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?