Suuqa: Bayern Oo United Kula Dhegan Sancho, Ramos Oo Ku Wajahan PSG Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

Sheekada Hadalheynta Leh Maanta: Sancho Oo Laga Doonayo Bayern

Wararka ka imaanaya magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa sheegaya in kooxda Bayern Munich ay kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa d’ayarka ee aadka loo qiimeeyo ee Jadon Sancho oo ay doonayaan inay kooxdooda kusii xoojiyaan marka uu furmo suuqa xagaaga.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga Bayern Munich ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho, waa sida laga soo xigtay The Telegraph.

Sancho ayaa muddo dheer lala xiriirinayay kooxaha waa weyn ee Premier League oo ay hoggaanka u heyso Manchester United, iyadoo sidoo kale Liverpool iyo Chelsea lala xiriiriyay waqtiyadii lasoo dhaafay.

Laakiin Bayern ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay Sancho kasoo iibsato Dortmund iyadoo sidoo kale la sheegayo inay sugeyso inay fursad u hesho helitaanka saaxiibka ay isku kooxda yihiin ee Erling Haaland.

Haaland, oo heysata qandaraas aan la burburin karin ilaa 2022, ayay xiiso ka helaya kooxaha Bayern, Liverpool, Real Madrid, Barcelona, Manchester City, United, Chelsea iyo Paris Saint-Germain.

Wararka Kale Ee Suuqa Ugu Waaweyn
  • Kaddib markii ay heshiis cusub ka saxiixdeen Neymar, PSG waxay ku socotaa wadada saxda ah ee ay ku soo jiidan karto kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos si ay u keento caasimada Faransiiska, sida ay sheegtay ParisFans Ramos ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka xiliciyaareedkan walina ma sameynin wax cusbooneysiin ah .
  • Kooxda Leicester City ayaa qarka u saaran inay la soo saxiixato xiddiga Lille Boubakary Soumare oo ay ku heleyso wax ka yar £ 26million (€ 30m), sida uu warinayo Fabrizio Romano. Horay waxaa xiddigani loola xiriirinayay kooxda Manchester United.
  • Telefoot wuxuu sii wadaa inuu PSG la xiriiriyo da’yarka kooxda Rennes ee aadka loo qiimeeyo ee Eduardo Camavinga, kaasoo heysta xiiseeyayaal badan oo ay kamid yihiin United, Barca iyo Madrid.
  • Kooxaha Roma iyo Juventus ayaa indhaha ku haya kabtankii hore ee kooxda Inter Mauro Icardi xilli ay taageerayaasha Paris sheegeen in mustaqbalka weeraryahankan uu yaalo meel ka baxsan magaalada Paris dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Xiddigii Arsenal Lala Xiriirinayay Oo PSG U Saxeexay

Read Next

Xiddiga Chelsea Lala Xiriirinayo Oo Ka Hadlay Arrimaha Suuqa – Miyuu Ka Dhaqaaqayaa Inter?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?