Real Madrid Oo Fursad Dahabi Ah Iska Lumisay Iyadoo Barbarro Fakasho Ah La Gashay Kooxda Sevilla

Kooxda Real Madrid ayaa barbarro la gashay kooxda Sevilla kulan xamaasadeysanaa oo ka qabsoomay garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan ee kooxda Sevillistas lagu naaneeso.

Real Madrid ayaa barbarro 2:2 ah la gashay kooxda Sevilla iyadoo lumisay fursad ay ku qaban karaysay hoggaanka horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Sideey Wax U Dhaceen?

Kooxda Sevilla ayaa goolka 1aad ee cayaarta ku hormartay daqiiqadii 22aad iyadoo xiddigeeda Fernando uu u dhiibay hoggaankii ay qaybtii hore ku kala nasteen.

Asensio ayaa Real u keenay goolka barbarraha daqiiqadii 67aad iyadoo 11 daqiiqo kaddibna lagu helay rigoore taasoo uu shabaqa la helay xiddigii hore ee kooxda Barcelona Ivan Rakitic.

Waxay sidaas ahaataba dhammaadkii cayaarta gaar ahaan daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray ayuu Toni Kroos meel goosha u dhow laad ka tuuray taasoo lugta uga dhacday daafaca kooxda Sevilla ee Carlos si ay shabaqa u gasho.

Cayaarta ayaana sidaasi kusoo idlaatay oo barbarro 2:2 ah lagu kala dareeray.

Atletico Madrid ayaa weli hoggaanka u heysa La Liga iyadoo Barcelona ay isku dhibco noqdeen Real oo ay kaalinta 2aad haatan ku wada jiraan waxayna labadaba 2 dhicood ka hooseeyaan kooxda ay xafiiltamaan ee Atletico Madrid.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo West Brom Ka Reebtay Premier League-ga

Read Next

Xiddigii Arsenal Lala Xiriirinayay Oo PSG U Saxeexay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?