Ma’aha Turkiga, Mana Ahan UK – Halkee Ayay U Badantahay İn Lagu Qabto Fiinaalka Champions League-ga?

Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa ku balansan inay fiinaalka Champions League-ga ku cayaaraan magaalada İstanbul ee dalka Turkiga iyadoo Ingiriisku uu dalkaasi ku daray ‘liiska casaanka’ ee xayiraadaha safarka COVID-19.

Sidaas darteedna, xiriirka kubbada-cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa heleysa codsiyo tira badan si munaasabadda loogu soo wareejiyo Ingiriiska, si loo yareeyo faafitaanka cudurka iyo in laga maarmo safarka tartamayaasha Chelsea iyo Manchester City.

Magaalada İstanbul ayaa sannadkii hore martigelin lahayd fiinaalkii Champions League-ga ee 2020 balse cudurka faafa ee coronavirus dartii ayay u waayeen, sannadkanna uma muuqdaan kuwo awood u leh inay marti-geliyaan.

Sababtana waxay tahay in Cayaaryahan kasta oo ku lug yeesha cayaartan lagu wado inay qabsoomto 29ka bishan May ay tahay inuu is go’doomiyo illaa 9ka bisha Juun, oo ku beegmeeysa laba maalmood kahor inta aanu bilaaban Koobka Qaramada Yurub, sidaas darteedna saameyn la taaban karo ayaa u muuqata qof walba.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Dowladda UK ayaa horrantii todobaadkii hore usoo bandhigtay Ingiriiska marka ay timaado martigelinta fiinaalka, iyadoo FA-ga İngiriiska ay sidoo kale ku booriyeen in UEFA ay soo wareejiso goobta lagu wado in munaasabadda ay ka qabsoomto isla markaana ay tirtirto baahida loo qabo safar kasta oo ka yimaada ciyaaryahanadda iyo taageerayaasha laakiin UEFA ayaa jawaab ka bixisay codsigaasi iyadoo ku baaqday si ay taasi u suurogasho in madaxda, shaqaalaha, deeq-bixiyeyaasha iyo warbaahinta ay tahay in aanu qaban sharciyadda karantiilka dadka dibadda kaga imanaya UK.

Weli ma cadda sideey wax yihiin, balse waxay u badantahay in magaalada Lisbon ee dalka Portugal oo sannadkii hore munaasabaddan martigeliyay ay u badantahay in loo wareejiyo fiinaalka.

Portugal waa mid kamid ah wadamada fara ku tiriska ah ee ku jira liiska ‘cagaaran’ ee UK, taasoo u saamaxaysa in taageerayaasha Chelsea iyo Manchester City ay safar caalami ah ku tagaan dalkaasi iyagoo ka dhigan kuwo kusoo noqon kara dalkooda oo aanan u baahneyn muddo karantiil ah soo laabashadooda kaddib.

Garoonka kooxda Porto ee Estadio do Dragao ayaa la filayaa in munaasabaddan lagu maamuuso waxaana garoonkan xarigga laga jaray sannadkii 2003dii si qeyb looga dhigo martigelintii Koobkii Qaramada Yurub ee 2003.

Wuxuu martigeliyay tiro kulamo caalami ah waxaana marmarka qaar ku cayaara xulka kubbada-cagta ee Portugal iyadoo ay xusid mudantahay in garoonkan lagu maamuusay fiinaalkii UEFA Nations League ee sannadkii 2019.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ballon D’or: Qiimeeyntii Ugu Dambeeysay Ee Liiska Xiddigaha Ku Tartamaya Abaalmarinta Sannadkan 2021

Read Next

“Waxay Rabaan Inay Keydka Dhigaan Taasi Way Ila Fiicantahay Aniga.” – Wakiilka Gareth Bale Oo Shaki Galiyay Mustaqbalka Xiddigan Ee Garoonka Bernebeu

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?