Ballon D’or: Qiimeeyntii Ugu Dambeeysay Ee Liiska Xiddigaha Ku Tartamaya Abaalmarinta Sannadkan 2021

Kaddib markii la kansalay kii sannadkii hore ee 2020, Ballon d’Or waa uu soo laabtay, iyadoo xiddigaha ugu wanaagsan caalamka ay markale indhaha ku hayaan abaalmarinta shaqsiyadeed ee ugu weyn ee kubbada-cagta.

Inkastoo abaalmarinta aan la bixin doonin illaa bisha Diseembar ee dabayaaqada sannadkan, haddana bandhigyada toddobaadyada soo socda ayaa wax badan ka tari doona go’aaminta cidda tartami doonta iyo cidda aan tartami doonin.

Iyadoo lagu guda jiro billihii ugu dambeeyay ee xilli-cayaareedka, ciyaartoyda adduunka ugu fiican ayaa durbaba billaabay inay muujiyaan bandhigyo heer sarreeya si ay ugu tartamaan abaalmarintan.

Haddaba halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa qiimeeynta 20ka cayaartooy ee ku tartami kara abaalmarinta Ballon D’or ee 2021.

20: Mohamed Salah (Liverpool)

2021: 15 gool, 1 caawin.

Qiimeyntii ugu dambeeysay: 18aad

Waxay wax badan ka sheegaysaa xilli ciyaareedka Liverpool in caawintii Salah ee Sadio Mane kulankii Southampton ee Sabtidii ay ahayd markii ugu horreysay oo ay labadoodaba isku darsadaan gool Premier League ah sannad cayaareedka 2020-21, iyadoo Reds ay inta badan u muuqatay mid jahwareersan oo aan xilli ciyaareedkan la jaanqaadi karin.

Afarta sare ayay weli fursad u heleyaan kooxda macalin Jurgen Klopp, halka Salah qudhiisa uu wali jeclaan doono fursadiisa ah inuu helo kabaha saddexaad ee dahabka ah muddo affar sano gudahood ah.

19. Luis Suarez (Atletico Madrid)

Qiimeeyntii ugu dambeeysay: 20aad

2021: 11 Gool iyo 1 caawin

Suarez ayaa laga yaabaa inuusan awoodi karin inuu jebiyo safka dambe ee Barcelona sabtidii, laakiin Atletico ayaa weli ku sii harsan tartanka loogu jiro hanashada horyaalka La Liga iyadoo seddex kulan ay u harsan tahay inay ciyaarto.

Rojiblancos ayaa ku socota jihada dhammaadka, laakiin Suarez ayaa haatan fursad u heysta inuu isku qoro sheeko xariirka Atletico haddii uu guul ku hoggaamiyo.

18.Neymar (PSG)

Qiimeeyntii ugu dambeeysay: 8aad

2021: 7 gool iyo 5 caawin, sidoo kale wuxuu ku guulleeystay koobka Trophee des Champions

Neymar ayaa qandaraas cusub oo afar sano ah u saxeexay kooxdiisa PSG, laakiin ma heysto billada Champions League-ga kaddib markii ay wareegii semi-finalka guuldarro kala kulmeen Manchester City.

Kaba sii darane, barbarihii ay la galeen Rennes axaddii ayaa ka dhigeysa inay seddex dhibcood ka dambeeyaan Lille tartanka horyaalka Ligue 1-ka iyadoo labo kulan ay u harsan tahay inay ciyaaraan.

Xitaa Copa America kuma filna inuu xiddiga reer Brazil dib ugu soo laabto safka hore Ballon d’Or.

17: Toni Kroos ( Real Madrid )

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 15aad

2021: 2 gool, 10 caawin.

Kroos wuxuu ahaa mid aan awood laheyn maadaama Madrid ay soo bandhigtay qaab ciyaareed daciif ah kulankii Stamford Bridge si ay uga harto Champions League-ga oo ay u weysay kooxda Chelsea.

Waxuu intaas kaddib kooxdiisa ku taageeray kaliya barbarro ay la galeen Sevilla iyadoo fursad loo siiyay inay la wareegaan tartanka horyaalka La Liga, inkasta oo Kroos uu heer sarre ka ahaa cayaartii ka dhacday Estadio Alfredo di Stefano, isagoo caawiye ka ahaa labada gool ee Madrid la timid.

16.Mason Mount (Chelsea)

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 17aad

2021: 9 gool, 3 caawin.

Xilli ciyaareedkii cajiibka ahaa ee Mount ayaa sii socanaya, iyadoo akadeemiga Chelsea ee qalin jabiyay uu dhaliyay goolka sababay booskii Blues ee finalka Champions League-ga.

Inuu qayb ka yahay safka xulkiisa England ee Tartanka Qaramada Yurub waa hubaal, halka uu sidoo kale u dabaaldegayo hanashada FA Cup isbuuca dambe.

15.Harry Kane (Tottenham)

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 14aad

2021: 17 gool, 4 caawin.

Rajooyinka Tottenham ee xilli ciyaareedka soo socda ee Champions League waa dhammaadeen kaddib guuldarradii Leeds, iyadoo Kane uu haatan u baahan yahay inuu ku tiirsanaado Tartanka Horyaalada Yurub si uu usoo galo 10ka ugu sarreysa tartanka Ballon d’Or.

14. Riyad Mahrez (Manchester City)

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 19aad

2021: Sagaal gool iyo lix caawin. wuxuuna ku guuleystay Koobka Carabao.

Wuxuu dhaliyay ama caawiye ka noqday shan ka mid ah lixdii kulan ee Champions League ee xilli ciyaareedkaan, in yar ayaa wax badan qabtay si ay u kasbadaan booskooda fiinaalka Champions League-ga ee kooxda Pep Guardiola.

Xiddiga reer Algeria oo laba gool ka dhaliyay kooxda PSG ayaa xaqiijiyay booskiisa xiddigaha ugu fiican ee kubbada-cagta adduunka isaga oo waliba xilli ciyaareedkiisa ku dhamaysan kara laba koob oo waaweyn oo magac leh.

13. Bruno Fernandes (Manchester United)

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 12-aad

2021: 13 gool, sagaal caawin.

Toddobaad wanaagsan ayey u tahay Fernandes, kaasoo ka caawiyey Man United inay gaarto finalka Europa League kahor inta uusan shabaqa soo taaban guul kale oo soo laabasho ah oo ay gaartay Red Devils kulankii ay la cayaareen Aston Villa.

Dhaleeceeyayaashiisa ayaa laga yaabaa inay tilmaamaan in dhowr kamid ah goolashiisu ay yihiin rigoorayaal, laakiin haatan waxaa jira keliya dhowr rigooriistayaal oo isaga ka fiican dhammaan qaaradda Yurub.

12. Cristiano Ronaldo (Juventus)

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 9aad

2021: 19 gool, seddex caawin. Waxayna ku guuleysteen Supercoppa Italiana.

Tartan Champions League ah oo uu ka maqan yahay Ronaldo ayaa ah mid aan la qiyaasi karin, laakiin haddii uu wali sii joogo Juventus xilli ciyaareedka dambe waxay taasi noqon kartaa walaac uu xiddiga reer Portugal wajahayo iyadoo laga yaabo in kooxda Cajuusta ay Europa League ka cayaarto ololaha xiga.

Guuldaradii axaddii gurigooda kaga soo gaartay AC Milan ayaa ka dhigeysa in Bianconeri ay banaanka ka tahay afarta ugu sareysa Serie A , iyadoo kulamo adag ay weli soo socdaan.

11. Erling Haaland (Borussia Dortmund)

Qiimeyntii ugu dambeysay: 10-aad

2021: 20 gool iyo sideed caawin.

Garoonka kuma uusan jirin, balse Haaland waxay u muuqatay inuu ku raaxeeysanayay isbuucan markii uu daawanayay guushii muhiimka aheyd ee Dortmund ay ka gaartay RB Leipzig isagoo tiribuuka fadhiya.

Weeraryahanka reer Norway waa inuu soo laabto kulanka isbuucaan ee DFB-Pokal ay la ciyaarayaan kahor inta uusan u jeesan inuu dhaliyo goolal si uu u xaqiijiyo kubbada-cagta Champions League-ga xilli ciyaareedka soo aadan.

10. Karim Benzema (Real Madrid)

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 6aad

2021: 16 gool, 3 caawin.

Benzema ayaa kor u qaaday Madrid intii uu awooday Champions League-ga xilli ciyaareedkan, laakiin ma uusan helin waddo uu ku dhaafo Edouard Mendy, goolhayihii Chelsea ee kulankii Stamford Bridge iyadoo Los Blancos ay ka baxday tartanka.

Kaddib wuxuu arkay gool laga diiday iyo rigoore uu tirtiray VAR ciyaartii axadda ay barbaraha la galeen Sevilla, taasoo la micno ah in walaaca kooxda Zinedine Zidane ee ah inay xilli ciyaareedka ku dhameeystaan koob la’aan ay haatan u dhowaaneeyso mid dhaboowda.

9. Phil Foden (Manchester City)

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 11aad

2021: Sagaal gool iyo toddobo caawin ah, wuxuuna ku guuleystay Koobka Carabao.

Foden oo kasoo dhalaalay inuu noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee weerarka ugu fiican Yurub lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa aheyd mid ka mid ah farxadihii xilli ciyaareedka, haatanna wuxuu heli doonaa fursad uu ku xoojiyo bandhigyadiisa Etihad Stadium marka uu kooxdiisa City kaga soo muuqdo finalka Champions League.

8. Ilkay Gundogan (Manchester City)

Qiimeeyntii ugu dambeeysay: 6aad

2021: 14 gool, iyo 5 caawin ah wuxuuna ku guuleystay Koobka Carabao.

Gundogan wuxuu halis ugu jiraa inuu noqdo ninka la ilaaway ee xilli ciyaareedka seddexleyda ah ee City, wuxuu qabtay shaqo wanaagsan balse bandhigyadiisii ugu wanaagsanaa ayaa yimid inta aanu waqtiga gebogebo ku dhowaan.

Welise wuxuu heystaa final-ka Champions League iyo Koobka Qaramada Yurub ee la sugayo, laakiin waxay u egtahay in fursadaha uu laacibka reer Jarmal ugu guuleysan karo abaalmarinno shaqsiyeed ay dhammaadeen.

7. Ngolo Kante (Chelsea)

Qiimeeyntii ugu dambeeysay: 16-aad

2021: Hal caawin.

Ciyaaryahan khadka dhexe ah oo si naadir ah gacan uga geysta goolasha, miyuu dhab ahaantii u tartami karaa Ballon d’Or?

Waxqabadka Kante ee Champions League-ga iyo Premier League-ga labadaba waxay soo jeedinayaan inuu hadda wadahadalka ku jiro, iyadoo Tartanka Qaramada Yurub uu u cayaarayo xulkiisa France, markaasoo laga yaabo inuu wacdarro ka dhigo fagaarayaasha kubbada-cagta.

6. Romelu Lukaku ( Inter Milan )

Qiimeeyntii ugu dambeeysay: 5-aad

2021: 14 gool, lix caawin wuxuuna ku guuleystay Serie A

Lukaku ayaa la siiyay fasax todobaadkan iyadoo Inter ay u dabaaldegtay hanashada horyaalka kaddib markii ay xasuuqeen kooxda Sampdoria.

Lukaku ayaa horyaalka Serie-A wacdaro ka dhigay xilli-cayaareedkan balse adigoo taasi maskaxda ku haya filo in laacibka reer Belgium uu u dagaallamayo taam ahaanshihiisa marka la gaaro Euro-ga bartamaha bisha Juun.

5. Ruben Dias (Manchester City)

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 13-aad

2021: 1 gool, 17 mar ayuu gooshiisa ilaaliyay. wuxuuna ku guuleystay Koobka Carabao.

Tani waxay ahayd isbuucii Dias uu galay hadalheynta caalamka.

Taageerayaasha Premier League-ga ayaa xilli ciyaareedka oo dhan ka hadlayay sida Ruben Dias uu u horumariyay daafaca City, iyadoo kulankii PSG ee Talaadadii uu soo bandhigay waxqabad aad u sarreeya.

Ruben xilli-cayaareedkan waxa uu saameeyn aad u wanaagsan ku leeyahay kooxda macalin Pep ee City balse waa inuu ka caawiyaa kooxdiisa ku guulleysiga tartanka Champions League-ga si uu u helo qiimeeyn ka wanaagsan middan.

4. Lionel Messi ( Barcelona )

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 2aad

2021: 26 gool iyo 9 caawin. Wuxuuna ku guuleeystay Copa del Rey.

Dhowr isbuuc kahor, Barcelona waxay ahayd kuwo ugu cadcad hanashada horyaalka La Liga, laakiin dib u dhac ku yimid kooxda ayaa ka dhigan in ay haatan u baahan yihiin natiijooyin aan macquul aheyn si ay dib ugu soo ceshadaan taajkii ay ku lumiyeen Real Madrid xilli ciyaareedkii hore.

Messi ayaa sameeyay waxqabadkiisii ugu fiicnaa kulankii sabtidii ee Atletico Madrid, kaliya goolhaye aad u fiican oo la yiraahdo Jan Oblak ayaa ka beeniyay laacibka reer Argentina inuu dhaliyo mid ka mid ah goolashii shaqsiga ahaa ee xilli ciyaareedkan ugu wanaagsanaa.

3. Robert Lewandowski (Bayern Munich)

Qiimeeyntii ugu dambeysay: 4-aad

2021: 29 gool iyo 4 caawin ah wuxuuna ku guuleeystey horyaalka Bundesliga & Koobka Kooxaha Adduunka.

Lewandowski ayaa u dabaaldegay koobkii 9aad ee isku xigga ee Bundesliga ee Bayern Munich Isagoo kulankii ugu dambeeyay seddexleey kooxda Borussia Monchengladbach kaga dhaliyay garoonka Allianz Arena.

Ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Poland ayaa haatan u baahan labo gool labada kulan ee ugu dambeeya xilli ciyaareedka kooxda Bayern si uu u jabiyo rikoorka Gerd Muller oo goolasha ugu badan xilli ciyaareed horyaalka Jarmalka ka dhaliyay.

2. Kevin De Bruyne (Manchester City)

Qiimeeyntii ugu dambeeyay: 3-aad

2021: Siddeed gool iyo toddobo caawin ah wuxuuna ku guuleystay Koobka Carabao.

De Bruyne ayaa laga yaabaa inuu u baahdo inuu sare u qaado koobka Champions League ama inuu u maro Tartankq Euro-ga si uu qiil ugu helo qiimeyntan, laakiin suurtogalnimada inuu sidaas sameeyo waxay ka dhigan tahay inuu u qalmo kaalinta 2aad haatan.

1. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)

Qiimeeyntii ugu dambeeyay: 1aad

2021: 23 gool, iyo 3 caawin ah wuxuuna ku guuleystay koobka Trophee des Champions.

Kooxda PSG ayaa si foolxun uga hartay tartanka Champions League-ga balse waxaa la is weeydiinayaa inuu Mbappe wax ka beddeli karay natiijadii ay ka heleen kooxda Man City hayeeshee marnaba ma ogaan karno jawaabta su’aashaasi maadaama uu xiddigan gebi-ahaanba seegay kulankaasi.

Si kastaba ha noqotee, Mbappe ayaa weli u muuqda inuu noqon doono mid ay taageerayaasha ugu badan u xushaan inuu yahay ciyaaryahanka xilli ciyaareedka tartankan, waxaana xiddigan uu aadi doonaa Tartanka kale ee Qaramada Yurub marka uu xulkiisa Faransiiska hoggaanka u noqonayo safkooda 1aad.

Mbappe wuxuu kusii jiri doonaa kaalinta 1aad ee qiimeyntan Ballon d’Or-ka balse wax badan ayaa is beddeli kara marka lagu dhowaado bixinta abaalmarinta ugu wanaagsan ee cayaaryahan la guddoonsiiyo.

Qiimeyntan sarre waxaa sammeeysay warbaahinta Goal.com, Garsoore Sports ayaase idiin soo gudbiyay.

Abdihakim Olad

Read Previous

Xiddiga Chelsea Lala Xiriirinayo Oo Ka Hadlay Arrimaha Suuqa – Miyuu Ka Dhaqaaqayaa Inter?

Read Next

Ma’aha Turkiga, Mana Ahan UK – Halkee Ayay U Badantahay İn Lagu Qabto Fiinaalka Champions League-ga?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?