Tababare Pep Oo Sheegay Inay Jiraan Dalabyo U Yimid Zinchenko

Tababaraha kooxda Man City Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dalabyo u yimid dambeedkiisa-biddix ee Oleksandr Zinchenko isagoo ku tilmaamay mid tayo gaar ah leh.

Guardiola ayaa sheegay in Zinchenko ay jireen dalabyo u yimid xagaagii hore islamarkaana uu iska diiday si uu usii joogo kooxdiisa Manchester City.

Zinchenko ayaa haatan ku riyaaqaya xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Etihad Stadium, waxaana xiddigan markiisii hore laga soo iibsaday kooxda reer Russia ee FC Ufa sannadkii 2016.

24 jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo City kaddib xilli ciyaareedkii 2019-20, iyadoo Guardiola uu haatan xaqiijiyay inuu doortay inuu sii joogo oo uu u dagaallamo booskiisa kaddib markii uu xiiso ka helay kooxo dhowr ah.

Xiddiga reer Ukraine ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda City waxaa uu u saftay 92 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay labo gool isla markaana caawiye ka noqday 7 kale.

Zinchenko ayaa ku guuleeystay sideed koob intii uu la joogay City, oo ay ku jiraan laba horyaal oo Premier League-ga ah, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu ku guuleysto horyaal kale oo maxalli ah ololahan, iyadoo fiinaalka Champions League-gana uu ku guuleeysan karo marka ay is wajahayaan kooxda Blues lagu naaneeso ee Chelsea.

Abdihakim Olad

Read Previous

”Iib Ma’aha” – Mourinho Oo Niyadjab Kala Kulmay Kooxdii Ceyrisay Ee Tottenham Oo Uu Labba Xiddig Ka Doonayo

Read Next

TOOS U DAAWO: MANCHESTER UNITED VS ASTON VILLA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?