SUUQA: United Oo Sancho Dalab Ka Gudbineysa, Chelsea Oo Dooneysa Kane,De Ligt Oo Loo Diiday Barca Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

Suuqa kala-iibsiga xagaaga ayaa maalinba maalinta ka dambeysa loo sii dhawaanayaa, 9ka bisha June ayay ku beegantahay maalinta uu suuqa sida rasmiga ah u furmi doono. kooxuhuna waxay isku diyaarinayaan dukaameeysiga xilliga xagaaga. haddaba maxaad kala socotaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa?

Su’aashaasi jawaabteeda waxaa kaa haqabtiraysa Garsoore Sports oo si joogto ah kuugu soo gudbineysa wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa.

Warka Ugu Weyn – UNITED OO DALBANAYSA SANCHO

Kooxda Manchester United ayaa dalab ka gudbineysa xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, sida ay qortay Daily Star.

United ayaa si aad ah loola xiriirinayay Sancho billowgii xilli ciyaareedkan laakiin u dhaqaaqistiisa Old Trafford ma noqon mid hirgasha, halka Red Devils tan iyo markaas la sheegay inay raadinayeen xiddigo kale oo uu kamid yahay midka ay Sancho isku kooxda yihiin ee Erling Haaland.

Laakiin United ayaa lagu soo waramayaa inay qaboojisay xiisihii ay u qabtay bartilmaameedka kooxaha Manchester City, Real Madrid, Barcelona iyo Bayern Munich ee Haaland iyagoo ka dhigaya Sancho mudnaanta koowaad ee daaqada kala iibsiga xagaaga.

Wararka Kale Ee Suuqa

  • Diario AS ayaa sheegeysa in Juventus ay iska diiday dalab cusub oo uga yimid dhanka Barcelona oo ay kula soo saxiixaneyso daafacooda dhexe ee Netherlands Matthijs de Ligt.
  • Goolhayaha Udinese Juan Musso, daafaca City Nathan Ake iyo kan RB Leipzig ee Marcel Sabitzer ayaa ku jira liiska xiddigaha uu Jose Mourinho ee diirada u saarayo isagoo isku diyaarinaya qabashada xilka tababarenimo ee kooxda Roma, sida ay qortay Gazzetta dello Sport.
  • Corriere dello Sport ayaa sidoo kale sheegtay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches uu sidoo kale doonayo macalinkii hore ee kooxda Tottenham.
  • Mundo Deportivo ayaa sheegeysa in Barca ay weli joogteeyneyso baacsiga ay ku heyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax Ryan Gravernberch. Barca ayaa sidoo kale lala xiriirinayay cayaaryahanka kooxda Liverpool oo ay dhowaan si xor ah u heli karaan ee Georginio Wijnaldum, kaasoo sidoo kale bartilmaameed u ah kooxda Bayern Munich sida lagu soo waramayo.
  • Chelsea ayaa ugu cadcad inay Harry Kane kala soo wareegto Tottenham sida laga soo xigtay Football Insider. Kane ayaa lala xiriirinayay United, City, Barca, Paris Saint-Germain iyo Madrid, halka Chelsea ay sidoo kale u muuqatay inay u dhaqaaqeyso weeraryahanka Bayern Robert Lewandowski hadana indhaheeda waxay markan u weecinaysaa saxiixa Harry Kane.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS U DAAWO: MANCHESTER UNITED VS ASTON VILLA

Read Next

Man United Oo Mush’ahar Kordhin Labba Jibbaar Ah Ku Abaalmarisay Xiddigan Wacdaraha Dhigaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?