Man United Oo Ka Adkaatay Aston Villa

Manchester United ayaa 3da dhibcood ka qaadatay Villa Park iyadoo xaqiijisay in Manchester City aan loo caleemo saarin horyaalka.

Bertrand Traore ayaa hoggaanka u dhiibay Aston Villa qeybtii hore ee ciyaarta markii uu ku dhaliyay weerar duufaan ah, laakiin United ayaa ku guuleysatay inay si dhaqso leh uga jawaab celiso ciyaarta, iyadoo Bruno Fernandes uu dhaliyay rigoore halka Mason Greenwood shabaqa soo taabtay. Edinson Cavani oo bedel u noqday Greenwoodna wuxuu dhaliyay gool quruxu badan oo madax ah kaddib korooskii Rashford.

Inkastoo Ole Gunnar Solskjaer uu ku farxi doono soo laabashadan ay ka gaareen Aston Villa, haddana dhaawaca Harry Maguire ayaa noqon doona mid walaac weyn ku abuura.

Abdihakim Olad

Read Previous

Bartilmaameedkii Arsenal, Liverpool iyo Man City Oo Codsaday In La Iibiyo

Read Next

Greenwood Oo Jabiyay Rikoorkii Wayne Rooney

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?