”Iib Ma’aha” – Mourinho Oo Niyadjab Kala Kulmay Kooxdii Ceyrisay Ee Tottenham Oo Uu Labba Xiddig Ka Doonayo

Tababaraha cusub ee kooxda Roma Jose Mourinho ayaa loo sheegay inuu iska hilmaamo inuu ka dukaameeysto kooxdiisii hore ee Spurs oo uu doonayo inuu dulaan ku qaado, sida ay qortay The Sun.

Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in uu Mourinho uu u sheegay tababarayaasha cusub ee Roma ee Stadio Olimpico in ay aadaan kooxdiisii hore si ay ula soo saxiixdaan daafaca reer England ee Dier iyo waliba xiddig khadka dhexe ee reer Denmark Emile Hojbjerg.

Laakiin Spurs ayaa ku adkeysaneysa in labadaan xiddig aysan iib aheyn.

Dier, oo 27 jir ah, ayaa Waqooyiga London kaga soo biiray kooxda Sporting Lisbon ee dalka Portugal kusoo wareegay adduun lacageed gaaraya 4 million oo Ginni sannadkii 2014.

Wuxuu kooxda u ciyaaray in kabadan 270 kulan wuxuuna wali heystaa seddex sano oo qandaraaskiisa haatan ah.

Dhanka Hojbjerg, oo 25 jir ah, ayaa ku soo billowday kulan kasta oo Premier League ah xilli ciyaareedkan tan iyo markii uu xagaagii hore ugu soo biiray kooxda adduun gaaraya 15 milyan oo ginni.

Sida ay laga soo xigtay The Sun shaqsi kooxda Tottenham u hadlay ayaa yiri: “Ma jirto qaab aan ku iibin karno labadan ciyaartoy midkood.”

”Dabcan, tababaraha cusub ayaa leh go’aanka ugu dambeeya.” ayuu yiri

Tottenham ayaa raadineysa inay magacawdo tababare cusub oo joogta ah dhammaadka xilli ciyaareedkan, tababarahoodii ugu dambeeyayna waa midka haatan duulaanka kusoo qaaday ee Mourinho oo ay 3 todobaad kahor iska ceyrisay.

Mourinho wuxuu helay shaqada tababarenimo ee kooxda Roma, hayeeshee Tottenham waxay weli baadi doon ugu jirtaa tababare ay ku beddesho Ryan Mason oo si kumeel gaar ah shaqadiisa u wata.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Gool Xilli Dambe Yimid Ku Ciqaabtay City

Read Next

Tababare Pep Oo Sheegay Inay Jiraan Dalabyo U Yimid Zinchenko

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?