Harry Maguire Oo Laga Yaabo Inuu Seego Fiinaalka Europa League-ga Kaddib Dhaawac Soo Gaaray

Daafaca Kooxda Manchester United ee Harry Maguire ayaa galay diiwaanka taariikhda Premier League-ga ee kooxda United kulankii ay galabta is wajaheen kooxda Aston Villa balse garoonka ayaa laga saaray kaddib markii uu dhaawac soo gaaray.

Xiddigan heerka caalami u safta xulka Ingiriiska ayaa jabiyay rikoorka safashada ugu badan ee Premier League-ga kooxda Red Devils kaasoo uu horey u heystay cayaaryahankii hore ee kooxda United Garry Pallister kulankii ay Aston Villa ku garaaceen goolal 3:1 ah.

Harry Maguire ayay u ahayd maalin farxad iyo murugo isugu jira iyadoo laga walwal qabo inuu awoodi waayo inuu kooxdiisa kusoo laabto si uu uga caawiyo ku guuleeysiga tartanka Europa League oo ay fiinaalkiisa 26 bishan May la cayaarayaan kooxda VIllareal.

Maguire ayaa u saftay kooxda Red Devils 72 kulan balse ma awoodi doono inuu sii wado rikoorkiisa xilli-cayaareedkan kaddib dhaawacan cusub ee soo gaaray maanta.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Real Madrid vs Sevilla

Read Next

Arsenal Oo West Brom Ka Reebtay Premier League-ga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?