Greenwood Oo Jabiyay Rikoorkii Wayne Rooney

Ma jiro ciyaaryahan Premier League ah oo ka goolal badan Mason Greenwood tan iyo 1-dii Abriil, wuxuuna hadda jabiyay rikoor uu dhigay Wayne Rooney.

Goolkii uu Mason Greenwood ka dhaliyay Aston Villa Axaddii ayaa ka dhigan inuu ka sarre maray Wayne Rooney si uu u dhigo rikoor cusub oo ah goolasha ugu badan ee da’yar uu Premier League-ga ugu dhaliyo kooxda Manchester United, iyadoo Weyne Rooney haataan rikoorkaas looga sara maray.

Goolkii uu ka dhaliyay Aston Villa Waxay ahayd goolkiisii 16-aad ee Premier League waayihiisa ciyaareed, isagoo tiisii ugu horreysay helay Nofeembar 2019 waxyar kaddib markii uu 18 sano jirsaday.

Sidan oo kale, Greenwood wuxuu dhaafay rikoodhkii Rooney oo 15 gool u dhaliyay United isagoo da ‘yar ah.

Greenwood weli wuu sii dheereyn karaa rikoodhkiisa, maaddaama uusan gaarin d’ada 20 ka wixii ka horreeya bisha Oktoobar ee nagusoo foodleh.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man United Oo Ka Adkaatay Aston Villa

Read Next

TOOS U DAAWO: Arsenal vs West Brom

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?