Bartilmaameedkii Arsenal, Liverpool iyo Man City Oo Codsaday In La Iibiyo

Bartimaameedka kooxaha Arsenal, Manchester City iyo Liverpool ee Yves Bissouma ayaa codsaday in loo ogolaada inuu ka tago kooxdiisa Brighton xagaagan. Iyadoo dhammaan naadiyada xiiseeynaya ay isha ku hayaan ciyaaryahankan khadka dhexe ee reer Mali.

Bissouma wuxuu waqtigiisa ku bixiyay inuu qaab ciyaareed heer sare ah usoo bandhigo kooxda Brighton taniyo markii uu sannadii 2018kii kaga soo wareegay kooxda Lille ee dalka Faransiiska waxaan ay bandhigyadiisa ay sabab u noqdnee xiisaha ka imanaya kooxaha waaweyn ee Premier League-ga.

Xilli ciyaareedkaan wuxuu 24 jirkan u ahaa mid horumar leh isagoo kamid ahaa xiddigaha ugu wanaagsan ee macalinka kooxda Brighton ed Graham Potter.

Wuxuu 32 kulan u saftay kooxda Amex ku cayaarta xilli ciyaareedkan, iyadoo kaliya daafacyada dhexe ee Ben iyo Lewis Dunk ay keliya kaga horreeyaan daqiiqadaha badan oo ay garoonka ku jireen.

Sida ay qoreyso jariiradda The Times, xiddigan ayaa la filayaa inay Brighton ku iibiso labba jibbaar qiimihii 15ka milyan oo ginni ahaa oo ay 3 sanno kahor kusoo iibsadeen.

The Times ayaa sidoo kale sheegeysa in Marseille ay xiiseyneyso, laakiin uma badna inuu doonayo inuu ku laabto France si uu ugu ciyaaro koox laga yaabo inay xitaa seegto Europa League-ga.

Arsenal ayaa qarka u saaran inay ka maqnaato Yurub gabi ahaanba xilli ciyaareedka soo socda, Sidoo kale waxaa jira xiiso ka imanaya City, laakiin taasi waa ‘horumarsan tahay’ waxayna aad ugu tiirsan tahay arrimo kale sida xaaladda qandaraaska Fernandinho, waxayse u muuqataa in Liverpool ay tahay meesha ugu macquulsan ee uu kusoo dagi karo Bissouma haddinay iyagu awoodaan inay usoo baxaan afarta sarre ee horyaalka PremierLeague-ga, taasi waxay iyaga siin doontaa dhiirigelin weyn – xaga dhaqaalaha iyo racfaankaba.

Waxay haatan lix dhibcood ka hooseeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Leicester, iyadoo kulan baaqi u yahay oo ay wajahayaan Man Utd Khamiista.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man United Oo Mush’ahar Kordhin Labba Jibbaar Ah Ku Abaalmarisay Xiddigan Wacdaraha Dhigaya

Read Next

Man United Oo Ka Adkaatay Aston Villa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?