”Waxay I Siiyeen Billowgeygii Ugu Horreeyay Ee Xirfadeed” – Xiddiga Lala Xiriirinayo Man United Oo Afka Furtay, Muxuuse Ka Yiri Safarkiisa Xiga?

Bartilmaameedka Kooxda Manchester United ee kooxda Borrussia Dortmund Jadon Sancho ayaa afka furtay isagoo ka warbixiyay mustaqbalkiisa iyo inuu u dhaqaaqi karayo kooxda Manchester United.

Jadon Sancho ayaa kooxda Red Devils u ahaa bartilmaameed in muddo ah, maadaama uu soo dhowyahay furitaanka suuqa xagaagana wararka xiddigan Manchester United la xiriirinaya ayaa cirka isku shareeray.

Sababta ay United mar hore ula saxiixan weysay Sancho ayaa ah qiimaha ay kooxda Dortmund weydiisaneyso in looga iibsado, waxaana Manchester United ay sugeysaa in Sancho qiimihiisa uu hoos ugu dhaco heer ay iyagu awoodi karaan inaay ku qarash gareeyaan.

Laakiin garabkan reer England ayaa haatan lagu heli karaa lacag gaareysa 78 million oo Yuuro, inkastoo ay tahay in la arko in United ay qiimahaasi bixin karto iyadoo ay wajahayso saameynta dhaqaale ee cudurka coronavirus.

“Ma aqaano mustaqbalkeyga,” 21 jirkaan ayaa u sheegay ESPN Sabtidii kaddib markii uu labo jeer shabaqa soo taabtay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen kooxda RB Leipzig.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay halkan, waan jeclahay Naadiga, Taageerayaasha iyo kooxdaba.”

“Waxay i siiyeen billowgeygii ugu horreeyay ee xirfadeed. Taageerayaashu way i dhiirrigeliyaan waana ay i dhiiregeliyaan. ” ayuu yiri Jadon Sancho.

Sancho ayaa galabta 2 gool ka dhaliyay kooxda RB Liepzig taasoo u sahashay kooxda ay loolamaan ee Bayern Munich in ay ku guuleeysato horyaalkoodii 9aad oo xiriir ah kahor inta aanay caawa la cayaarin kooxda Borrusia Monchengladbach oo ay kusii xisaabtamayeen inay guul ka gaaraan si ay ugu dabaa degaan caleemasaarkooda horyaalnimo hayeeshee howsha waxaa u fududeeyay Sancho iyo kooxdiisa Dortmund kaddib markii ay ka adkaadeen kooxda kaalinta 2aad uga jirta miiska kala-sarreynta horyaalka Bundesliga ee Liepzig.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona Iyo Atletico Madrid Oo Gool La’aan Ku Kala Dareeyay

Read Next

Chelsea Oo Gool Xilli Dambe Yimid Ku Ciqaabtay City

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?