Leeds 3-1 Tottenham: Rajadii Afarta Sare Ee Spurs Oo Soo Idlaanaysa Kaddib Guuldaradii Elland Road

Rajaddii kooxda Tottenham Hostpur ee ahayd inay xilli-cayaareedka ku dhammeystaan affarta sare ayaa u muuqata mid soo idlaatay kaddib xasuuqii Leeds galabta.

Goolal ka kala yimid Stuart Dallas, Patrick Bamford iyo Rodrigo ayaa 3-1 ka dhigaya guuldarradii Spurs kaga soo gaaray garoonka Elland Road ciyaar xamaasadeysneyd. iyadoo Spurs ay goolkooda keliya ee cayaarta ay ka heshay cayaaryahan Heung Min Son.

Spurs ayaa haatan ku jirta kaalinta lixaad iyagoo leh 56 dhibcood 35 kulan oo ay ciyaareen, waxaana ay shan dhibcood ka hooseeyaan kooxda kaalinta afaraad ku jirta ee Chelsea kuwaasoo caawa fiidkii la ciyaaraya hoggaamiyeyaasha baxsadka ah ee Manchester City.

Dhanka Leeds Unitedna waxay kor ugu dhaqaaqday laba boos waxayna soo tiigsatay ilaa kaalinta sagaalaad iyagoo leh 50 dhibcood.

Kooxda Leeds ayaa Horyaalka ku dhammeysanaysa iyadoo heysata RIkoor aan looga adkaan gurigooda, waxaana ay tahay inaan sugno taniyo dhammaadka xilli-cayaareedka oo kulamo yar ay ka hareen si aan uga marqaati noqono inay sidaasi sameeyaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Klopp Oo Amaan Ugu Qubeeyay Saxiixa Fashilmay Ee Liverpool – Sharraxaad Ayuu Ka Bixiyay Sababta

Read Next

TOOS U DAAWO: Barcelona vs Athletico Madrid – Kulanka Nolol Iyo Geeri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?