ESL: Barcelona, Juventus & Real Madrid Oo Si Kulul Uga Jawaabay ‘hanjabaadaha aan loo dulqaadan karin’ Ee FIFA & UEFA

Kaddib markii ay isaga baxeen 9 kamid ah 12kii koox ee lagu aas-aasay tartanka aadka looga soo horjeedo ee European Super League, saddexda kale ee kusoo hartay tartankan ayaa diidmo adag ka bixiyay digniintii UEFA & FIFA.

Barcelona, Real Madrid iyo Juventus ayaa ah kooxaha ilaa haatan isagu soo haray tartankan waxaana ay jawaab kulul u jeediyeen Xiriirada UEFA iyo FIFA, kaddib markii loo sheegay inay muteysan doonaan ganaax lacageed iyo mid cayaareed haddii ay kusii adkeystaan inay kusii jiraan tartankan.

Sagaal kamid ah 12kii koox ee lagu aas-aasay tartankan ayaa lasoo warinayaa inay iyaguna muteysan doonaan ganaax lacageed kaddib markii ay xiriiro la sameeyeen abaabulayaasha tartanka European Super League inkastoo markii dambe ay ka baxeen.

Hayeeshee kooxaha haatan isagu soo haray tartankan ayaa loosoo jeediyay digniintii ugu dambeeysay oo loogu sheegayo in ganaax lacageed ay muteysan doonaa iyo sidoo kale cunaqabateynno.

Laakiin iska caabbinta joogtada ah ee Blaugrana, Los Blancos iyo Bianconeri ayaa weli ah qodob taagan, iyadoo seddexduba ay haatan weerar aan loo meel dayin ku qaadeen UEFA iyo FIFA taasoo ay uga jawaabayaan digniinta loosoo jeediyay.

Kooxahan ayaa bayaan ay soo saaren ku yiri:

”Naadiyadii aasaasay ayaa la dhibtoonaya, isla markaana sii wadaya silica, cadaadis dhinac saddexaad ah oo aan la aqbali karin, hanjabaado, iyo weeraro lagu doonayo in mashruuca lagu joojiyo ayaa nasoo gaaraya”

“Tani waa wax aan loo dulqaadan karin marka loo eego sharciga iyo maxkamadaha ayaa horey u xukumay taageerida Super League-ga, iyagoo ku amraya FIFA iyo UEFA inay si toos ah ama u maraan hay’adaha ay xiriirka la leeyihiin, inay ka fogaadaan inay qaadaan wax talaabo ah oo caqabad ku noqon kara qorshahan si kasta iyadoo lasugayo dacwada maxkamadda.”

“Intaas waxaa sii dheer, waxaan mar kale ku celineynaa FIFA, UEFA iyo dhamaan daneeyayaasha kubbada-cagta, sida aan sameynay dhowr jeer tan iyo markii lagu dhawaaqay Super League, waxaa naga go’an inaan ku wada hadalno, ixtiraam iyadoo aysan jirin cadaadis aan loo dulqaadan karin isla markaana waafaqsan sharciga, waama xalal ugu haboon ee xasiloonida dhammaan qoyska kubbada-cagta. “

Kooxaha Arsenal, Milan, Chelsea, Atletico Madrid, Inter, Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Tottenham ayaa waayi doona boqolkiiba shan dakhligii ay ka heli lahaayeen UEFA hal xilli ciyaareed, waana ciqaab aad uga hooseysa wixii laga filaayay billowgii.

Suurtagalnimada ayaa ah in seddexda soo hartay ay wajihi karaan cunaqabateynno dheeri ah, oo ay kujirto ka saarida tartamada yurub xilli ciyaareedka soo socda

Abdihakim Olad

Read Previous

Ramos Oo Markale Dhaawac Soo Garay Xilli Uu Sii Dhammaanayo Waqtigiisa Kooxda Real Madrid

Read Next

DEG-DEG: Neymar Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Kooxdiisa PSG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?