DEG-DEG: Neymar Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Kooxdiisa PSG

Xiddiga reer Brazil ayaa soo afjaray warar billooyin la isla dhexmarayay saxaafada oo ku saabsan mustaqbalkiisa kaddib markii uu qandaraas cusub oo waqti dheer ah u saxiixay kooxda ugu weyn Ligue 1-ka dalka Faransiiska.

Neymar ayaa u saxiixay kooxdiisa Paris Saint-Germain heshiis cusub oo uu kula sii joogi doono garoonka Parc des Princes ilaa sannada 2025ka, sida ay xaqiijisay kooxda.

Ciyaaryahankan reer Brazil, oo PSG uga soo dhaqaaqay kooxda Barcelona sannadkii 2017 markaasoo uu ugu soo wareegay heshiis rikoor ah, ayaa soo gabagabeeyay shakigii la gelinayay mustaqbalkiisa kooxda kaddib markii uu qandaraaskiisa u cusbooneysiiyay kooxda macalin Mauricio Pochettino.

Ku dhawaaqista in Neymar uu sii joogi doono kooxda PSG wixii ka dambeeya dhammaadka heshiiskiisii hore ayaa shaki la’aan farxad gelin doona kooxda iyo taageerayaasheedaba, gaar ahaan xilli ay doonayaan inay qaadaan talaabadii ugu dambeysay ee ku guulleysiga tartanka Champions League-ga kaddib markii ay si xun foolxun uga hareen ololahan.

Abdihakim Olad

Read Previous

ESL: Barcelona, Juventus & Real Madrid Oo Si Kulul Uga Jawaabay ‘hanjabaadaha aan loo dulqaadan karin’ Ee FIFA & UEFA

Read Next

Klopp Oo Amaan Ugu Qubeeyay Saxiixa Fashilmay Ee Liverpool – Sharraxaad Ayuu Ka Bixiyay Sababta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?