Bayern Munich Oo Ku Guuleeysatay Horyaalka Bundesliga

Kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa loo caleemo saaray horyaalnimada heerka koowaad ee dalkaasi kaddib markii kooxdii la tartamaysay ee RB Liepzig ay guuldarro kala kulantay Dormund kulankii galabta dhexmaray.

Bayern ayaa la filayay inay fursad u hesho inay xaqiijiso horyaalmimadeeda marka ay martigalineyso kooxda Borussia Monchengladbach caawa laakiin goolal ay kala dhaliyeen Marco Reus iyo Jadon Sancho ayaa ka dhigan inay Borussia Dortmund ay ka adkaato kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Leipzig taasoo la micno ah inay Bayern gacanta u geliyeen horyaalnimada Bundesliga.

Bayern Munich ayaa ku guuleeysanaysa horyaalkii 9aad ee Bundesliga ee isku xiga oo ah rikoor aan cid usoo dhowaan karayn.

Rikoorkan 9ka jeer ee isku xiga oo ay Bayern haysato horyaalnimada dalkaasi waxaa xiiso u yeelaya in aanay kooxna ku guuleysan wax ka badan seddex jeer oo xiriir ah horyaalka Bundesliga.

Bayern ayaa haatan kula midowday duqda cajuusta ee Juventus oo ahayd kooxda ugu badan ee koobab xiriir ah ku guuleeysata horyaalada maxaliga ah, shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

Guushan weyn oo Bayern ay gaartay ayaa la micno ah inay ku guuleysteen Bundesliga 30 jeer tan iyo markii horyaalka la aas-aasay sannadkii 1963dii, iyadoo Dortmund iyo Gladbach oo kusoo xigana ay min shan horyaal ah heystaan.

Bayern ayaa heysata horyaalkeedii 16aad tan iyo sannadkii 2000, iyagoo hoosta ka xariiqaya awoodooda sii kordheysa ee gudaha dalkaasi ay ku leeyihiin.

Cayaaryahanada kala ah Thomas Muller iyo David Alaba ayaa labadoodaba Bayern Munich kula guuleeystay 10 horyaal, iyagoo dhigaya rikoor cusub oo u gaar ah.

Alaba ayaa ka tagi doona Bayern dhamaadka xilli ciyaareedkaan, Hansi Flick oo sidoo kale ku dhawaaqay inuu ka tagayo 18 bilood kaddib markii uu hogaaminayay kooxda ayay u tahay horyaalkiisii ugu dambeeyay ee kooxda, iyadoo loo maleynayo inuu noqon doono tababaraha cusub ee xulka Jarmalka.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS U DAAWO: Barcelona vs Athletico Madrid – Kulanka Nolol Iyo Geeri

Read Next

TOOS U DAAWO: MANCHESTER CITY VS CHELSEA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?