Barcelona Iyo Atletico Madrid Oo Gool La’aan Ku Kala Dareeyay

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa barbaro goolal la’aan ah ku kala tagay markii ay galabta isku wajaheen garoonka Camp Nou.

Kooxda Real Madrid ayaa natiijada kulankan u aragtaa inay u horseedayso faa’iido ah in ay u loolami karaan horyaalka dalkaasi Spain ee La Ligaha.

Atletico Madrid ayaa weli ah kooxda ugu sarreysa horyaalka – laba dhibcood oo nadiif ah ayaa ay kooxda ay xafiiltamaan ee Barca kaga haysaa hoggaanka, haddii ay Barca adkaan lahayd kulankii galabta dhibic ayay horyaalka ku qaban lahayd.

Laakiin Los Blancos ayaa gacanta ku soo dhigi doonta haddii ay ka badiyaan Sevilla oo kaalinta afaraad ku jirta maalinta axadda berrito ah.

Atletico Madrid uma aysan muuqan kuwo gool dhalin kara dhammaadkii cayaartii ka dhacday Barcelona, iyadoo kooxda u kabtanka u yahay cayaaryahan Lionel Messi oo haddii ay adkaan waayeen keliya awooday inay ilaaliyaan rikoorkooda 15ka kulan oo aanay Atletico Madrid guul kaga gaarin garoonka Camp Nou.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS U DAAWO: MANCHESTER CITY VS CHELSEA

Read Next

”Waxay I Siiyeen Billowgeygii Ugu Horreeyay Ee Xirfadeed” – Xiddiga Lala Xiriirinayo Man United Oo Afka Furtay, Muxuuse Ka Yiri Safarkiisa Xiga?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?