XASAASI: Ingiriiska Oo Loosoo Wareejinayo Fiinaalka Champions League-ga Iyo Sababta Ay Isku Heystaan UEFA Iyo Dowladda UK

Dowladda UK ayaa waxay kala xaajooneysaa xiriirka kubbada-cagta ee Yurub (Uefa) in Fiinaalka Champions League-ga ee lagu wado inuu ka qabsoomo dalka Turkiga loosoo wareejiyo Ingiriiska.

Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa ku balansan inay fiinaalka ku cayaaraan magaalada İstanbul ee dalka Turkiga iyadoo Ingiriisku uu dalkaasi ku daray ‘liiska casaanka’ ee xayiraadaha safarka COVID-19.

Hayeeshee, UEFA ayaa heleysa codsiyo xoog leh si munaasabadda loogu soo wareejiyo England, si loo yareeyo faafitaanka cudurka iyo in laga maarmo safarka tartamayaasha Chelsea iyo Manchester City.

Wararka ayaa tibaaxaya in dowlada UK ay soo dajisay amaro ku aadan safaradda dibbada ah iyadoo haddii ay labada koox ku wada cayaaraan magaalada İstanbul cayaartooyda iyo taageerayaashaba lagu qasbi doono inay isku karantiilaan hoteello ku kici kara 1,750 Euro habeenkii.

Ciyaaryahan kasta oo ku lug yeesha ciyaartan lagu wado inay qabsoomto May 29keeda ayay tahay inuu is go’doomiyo illaa 9ka bisha Juun, oo ku beegmeeysa laba maalmood kahor inta aan aanu bilaaban Koobka Qaramada Yurub, sidaas darteed saameyn la taaban karo ayaa u muuqata qof waliba.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Dowladda UK ayaa usoo bandhigtay Ingiriiska marka ay timaado martigelinta finalka, iyadoo FA-ga İngiriiska ay sidoo kale ku boorisay in UEFA ay soo wareejiso goobta lagu wado in munaasabada ay ka qabsoomto isla markaana ay tirtirto baahida loo qabo safar kasta oo ka yimaada ciyaaryahanada iyo taageerayaasha.

Weli wax codsi rasmi ah lama sameeynin mana cada garoonka ay UK bixin doonto haddii loo ogolaado martigelinta fiinaalka maadaama garoonka qaranka ee Wembley ay keliya noqon laheyd xulashada cad hayeeshee garoonkan ayaa lagu wadaa inuu isla maalintaas martigeliyo fiinaalka isreebreebka Championshipka Ingiriiska.

Aston Villa ayaa soo bandhigtay garoonkooda Villa Park, laakiin waxaa jira walaac laga muujinayo awooda ay u leeyihiin inay qabtaan munaasabad noocan ah.

Sidoo kale, Garoonka Tottenham Hotspur Stadium ayaa laga yaabaa inay noqon karto goob ay u badan tahay inay ku kulmaan labada dhinac ee isku wajahaya Fiinaalka Champions League-ga.

Dhibaatada ugu weyn ee keeneysa fekerka ah in fiinaalka loo wareejiyo Ingiriiska ayaa ah in qof kasta oo ka imanaya dibbada, oo uu ku jiro madaxweynaha UEFA Aleksander Ceferin in lagu qasbi doono inuu is karantiillo kulanka kahor iyo kaddib labadaba.

Si taas looga fogaado, fikradda ah in finalka loo wareejiyo goob kale oo dhexdhexaad ah ayaa laga wada hadlayaa haatan. Xiriirka kubbada-cagta Yurub ee UEFA ayaa ku fikiraya inay munaasabada u wareejiyaan dalal kale oo aanan ku jirin liiska cas ee UK, dalalkaas waxaa kamid ah dalka Poland, oo martigalin doonta fiinaalka Europa League-ga seddex maalmood kahor inta aan la gaarin waqtigii lagu balansanaa fiinaalaha Champions League-ga.

UEFA ayaa sidoo kale laga yaabaa inay doortaan oo ay ku adkeystaan inay sii joogaan Istanbul, halkaasoo ay rajeynayaan inay ku soo dhoweeyaan ilaa 25,000 oo taageerayaal ah marka la gaaro munaasabadda.

Sharciyada UEFA ayaa dhigaya in finalka la wareejiyo haddii uu saameyn ku yeesho xayiraadaha safarka, laakiin ma cadda in toban maalmood oo go’doomin ah loo eegi doono sharcigan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Madrid Oo Diyaar U Ah Iney Iska Iibiso Eden Hazard Xagaaga

Read Next

Ramos Oo Markale Dhaawac Soo Garay Xilli Uu Sii Dhammaanayo Waqtigiisa Kooxda Real Madrid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?