Gunners Oo Arteta Ceyrineysa Kuna Badalaysa Mauricio Sarri Iyadoo United & Villarreal Ay Isku Balansadeen Fiinaalaha Tartanka Europa League-ga

Waa habeen qiimo ku leh taageerayaasha kooxda Villarreal kaddib markii kooxdooda ay markoodii ugu horreeysay gaareen Fiinaalka tartanka Europa League-ga iyadoo ay keliya ku filneyd natiijadii ay gurigooda kaga soo gaareen Arsenal lugtii hore ee Semi-finalka.

Kooxda Villarreal oo uu hoggaaminayo tababarihii hore ee Arsenal, Unai Emery ayaa lugtii hore kusoo adkaatay natiijo 2:1 ah iyadoo lugta labaad ee caawa ka dhacay garoonka Emirates ay keliya awoodeen inay goolkooda ilaashadaan inkastoo qatartooda weerar uu aad u yaraa maadaama xilli hore uu dhaawac uga baxay weeraryahankooda halista ah ee reer Nigeria Chukwueza.

Tababare Arteta ayaa halis ugu jira inuu shaqadiisa waayo kaddib guuldaradan soo gaartay kooxda Arsenal sida ay wararku soo jeedinayaan. Waxaana durbaba ay calaamadsadeen tababaraha ay ku bedelayaan.

Gunners ayaa guuldarro kala kulantay Chelsea labo sano kahor, waxaana loo diiday fursad ay ku ciyaaraan final kale oo Ingiriis ah kaddib markii ay xilli hore fiinaalka sii balansatay kooxda Manchester United.

Kooxda Manchester United ayaa guul raaxo leh ka gaartay Kooxda Roma oo ay 2:6 ugasoo adkaadeen lugtii hore ee Semi-finalka.

Manchester United ayaa si fudud ugusoo baxday fiinaalka Europa League iyadoo Edinson Cavani uu dhaliyay laba gool ciyaartii lugta labaad ee Roma.

Edin Dzeko, ayaa dhanka Roma u barbareeyay goolkii uu dhaliyay Cavani kahor inta aanu Bryan Cristante raacsan wax yar kaddib iyadoo intaa kaddib ay Roma soo yara gashay wax yar oo rajo ah, hayeeshee Cavani ayaa markale shabaqa soo taabtay iyadoo David de Gea uu sameeyay 10 badbaadin guud ahaan si natiijada lugtii hore loo ilaaliyo.

Alex Telles ayaa dhamaadkii cayaarta iska dhaliyay goolka saddexaad ee Roma.

Kooxda Roma ayaa lugta labaad adkaatay hayeeshee, Waxaa saameenaya natiijo ay mar hore sii shaqaysatay Red Devils taasoo keliya mucjiso ay kahor joogsan kartay in Roma ay uga daba timaado goolashii 2:6 ahaa ee lugtii hore inkastoo Giallorossi ay dedaashay lugtan 2aad haddana waxay keliya awoodeen inay keensadaan natiijo 3:2 ah oo ka dhigan wadar ahaan 5:8 in looga adkaaday.

Wararka ka imaanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in Arsenal ay isku dayayso inay shaqada ka ceyriso tababare Mikel Arteta iyadoo ku fikireysa inay Maurizio Sarri tababarahooda xiga ka dhigaan xagaaga.

Tababaraha Gunners ayaa cagta mariyey baraf qoyaan ah, kaddib markii kooxdiisa Arsenal ay isaga hartay tartanka Europa League-ga, iyadoo kooxda ay jiifto bartamaha miiska kala sarreynta horyaalka Premier League-ga.

Guuldarrada Gunners caawa soo gaaray ayaa la micno ah inay waayi doonaan tartamada Yurub markii ugu horreysay muddo 25 sano ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Daafaca PSG Ee Thilo Kehrer

Read Next

Suuqa Iyo Saakay : Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Iyo Wargeysyadu Waxay Qorayaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?