Emery Oo Ku Qoslay Arsenal Kaddib Markii Uu Baacsaday Kooxdiisii Hore Isagoo Villarreal Ku Hoggaamiyay Fiinalkii Ugu Horreeyay Ee Yurub

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Unai Emery ayaa ku qoslay guushii kooxdiisii hore ka gaaray kaddib markii uu isagoo leylinaya Villarreal ka ciribtiray 4 dhammaadka Europa League-ga.

Tababaraha kooxda Villarreal Unai Emery ayaa muujiyay sharaftiisa iyo qanacsanaantiisa ku aadan natiijadda kaddib markii uu ka aargutay kooxdiisii hore ee Arsenal markii ay kooxda reer Spain si xamaasad leh ku gaartay fiinaalka Europe League markoodii ugu horreeysay abid.

Villarreal, waxay ku tartami doonaan finalka weyn ee Yurub kaddib barbarihii goolal la’aanta ee ay la galeen Arsenal, taasoo xaqiijisay wadar ahaan natiijo 2-1 ah oo ay lugtii hore shaqaysteen.

Emery ayaa ku hoggaamiyay Arsenal finalka Europa League-ga ee 2019 kahor inta aan laga ceyrin Gunners bishii Nofeembar ee sanadkaas, waxaana bedelay saaxiibkiis reer Spain ee Mikel Arteta.

Laakiin Emery ayaa qosolkii ugu dambeeyay qoslay khamiistii kaddib markii uu soo afjaray abaarihii Yurub ee Villarreal.

Kooxda Yellow Submarine lagu naaneeso ayaa laga reebay mid kasta oo ka mid ah afartii Semi-final oo ay hore usoo tiigsadeen, waxayn yimaadeen Semi-finalkii Europa League ee 2004, 2011 iyo 2016 iyo semi-finalka Champions League-ga oo sanadkii 2006 ay yimaadeen.

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa Iyo Saakay : Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Iyo Wargeysyadu Waxay Qorayaan

Read Next

Milkiilaha Mustaqabalka Ee Gunners – Waa Maxay Sababta Uu Daniel Ek U Gudbin La’yahay Dalabkiisii Ugu Horreeyay?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?