Dortmund Oo Hoos U Dhigtay Qiimaha Jadon Sancho Iyadoo Man United Ay U Hanqaltaageeyso Adeega Xiddigan

Borussia Dortmund ayaa hoos u dhigtay qiimaha ay ku dooneyso ciyaaryahanka garabka uga ciyaara ee xulka Ingiriiska ee Jadon Sancho.

Kooxda Manchester United ayaa xiddigan si aad ah u baacsanaysay xagaagii lasoo dhaafay, laakiin Dortmund ayaa xiligaa dalbanaysay lacag gaarsiisan 108 milyan oo ginni, taasoo United aysan diyaar u ahayn inay bixiso.

Hayeeshee kooxda Shayaadiinta cascas lagu naaneeso ayaa sii waday inay kubbad hoose ku garaacdo kooxda Jarmalka ilaa ay si joogto ah u joojiyaan inay wadahadalo ka galaan in hoos loo dhigo qiimaha xiddigan.

Laakiin kooxda Jarmalka ka dhisan ayaa si tartiib ah u billowday inay hoos u dhigto qiimaha Sancho si ay u hesho cid ka iibsata.

United ayaa weli xiiseyneysa ciyaaryahankan reer England, halka Chelsea iyo Liverpool labaduba lala xiriirinayay Sancho toddobaadyadii la soo dhaafay.

Aggaasimaha Dortmund Michael Zorc ayaa dhowaan xaqiijiyay in 21 jirkaan loo ogolaan doono inuu ku baxo qiimaha saxda ah.

Waqtigaas, fahamku wuxuu ahaa in Dortmund aqbali doonto lacag dhan 87 Milyan oo ginni, laakiin sida uu sheegayo Goal, tiradaasi dhab ahaantii way ka sii hooseysaa, iyadoo kooxda Jarmalka ay haatan ku faraxsan tahay inay aqbasho dalab 78 milyan ah, taasoo 30 milyan ka hooseeysa qiimihii ay dalbanayeen xagaagii hore. .

Sancho ayaa ku sii dhowaanaya labadii sano ee ugu dambeyay qandaraaskiisa Signal Iduna Park, Dortmund ayaana ka warqabta in tani ay tahay fursadoodii ugu dambeysay oo ay tahay inay isaga iibiyaan da’yarkan tayada sarreeya.

Abdihakim Olad

Read Previous

Mashruuca Sifeynta Real Madrid – Hazard Iyo Zidane Baa Ugu Horreeya

Read Next

Arsenal vs Villareal – Partey Oo Keligiis Cayaaraya Dhexda, Smith-Rowe,Odegaard, Pepe Iyo Auba Oo Kusoo Wada Billowday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?