City Oo Markan Dooneeysa Wiilka Dahabiga Ah Ee West Ham – Chelsea Iyo United Ayay Kula Biirtay Tartanka

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham Declan Rice, maadaama ay bilaabeen inay qorsheeyaan nolol ay uga maarmi karaan burburiyahooda Fernandinho.

36 jirkan reer Brazil ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan intii lagu guda jiray kulankii City ee semi-finalka Champions League-ga ee lugtii labaad oo ay tartanka kaga ciribtireen Paris Saint-Germain. Maalintaas waxayna ku beegneyd dhalashadiisa.

Si kastaba ha noqotee, qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda ku cayaarta garoonka Etihad ayaa dhacaya dhammaadka ololaha.

Kooxda loo doortay horyaalnimada Premier League-ga ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay u soo bandhigto ciyaaryahankan khadka dhexe qandaraas kordhin 12 bilood ah laakiin wuxuu doonayaa inuu sugo kahor inta uusan go’aansan inuu dareemayo inuu sii wadi karo u cayaarista City iyo inkale, waa sida wararku ay tibaaxayaanee.

Sida laga soo xigtay The Times, Pep Guardiola iyo shaqaalihiisu waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan mustaqbalka fog ee lagu badalayo Fernandinho waxaan ay indhaha u weeciyeen cayaaryahan Declan Rice.

22 jirkaan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxda macalin David Moyes, kaddib markii ay ku dhammeysteen kaalinta 16aad xilli ciyaareedkii hore, waxay kolkan oo ay 4 kulan ka harsantahay is arkeen iyagoo u tartamaya booska loogu soo baxayo Champions League.

Rice ayaa horay loola xiriirinayay inuu lacag badan ugu biirayo kooxda Chelsea, maadaama uu boos joogto ah ka helay xulka Ingiriiska, balse layaab ma’ahan in la ogaado in City ay sidoo kale indhaha ku heyso.

Majaladda 90min ayaa soo warisay bishii Abriil in Manchester United ay hoggaamineyso kooxo Ingiriis ah oo ceyrsanaya Rice, laakiin West Ham ayaan go’aan ka gaari doonin mustaqbalkiisa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Marka loo fiiriyo booska West Ham ee haatan iyo qaab ciyaareedka xiddigooda oo il-qabad leh labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, kooxda reer London ayaa dalban laheyd lacag qaali ah oo ku aadan saxiixiisa.

Warbixinta aan soo sheegnay waxay soo jeedineysaa haddii ay City u dhaqaaqi doonto Rice iyo in kale inay ku xirantahay waxa uu Fernandinho ka go’aansado mustaqbalkiisa.

Inkastoo Cityzens ay heystaan waxyaabo badan oo ay diirada saaraan inta udhaxeysa ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkaan – oo ay kujirto finalka Champions League-ga oo ay ka hortagayaan kooxda Premier League-ga kula xafiiltameysa ee Chelsea – balse burburiyo caawiya xiddigaha waa weyn sida Kevin De Bruyne, Ilkay Gundogan iyo Rodri ayaa si cad ugu jira ajandahooda. mustaqbalka dhow.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea 2:0 Real Madrid – 5 Qodob Oo Laga Bartay Guushii Chelsea

Read Next

Tottenham Oo Heshiis La Gaartay Tababare Antonio Conte

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?