Arsenal vs Villareal – Partey Oo Keligiis Cayaaraya Dhexda, Smith-Rowe,Odegaard, Pepe Iyo Auba Oo Kusoo Wada Billowday

Kooxaha Arsenal iyo Villarreal ayay boqolaal taageerayaal ah kusoo dhoweeyeen waddooyinka Waqooyiga London kahor kulankooda ugu weyn xilli ciyaareedka ee Europa League-ga.

Macalin Mikel Arteta ayaa kooxdiisa Arsenal kusameeyay xoogahaa isbeddel dhanka shaxda ah iyadoo Kieran Tierney uu keydka soo galay kaddib dhaawac uu ku maqnaa taasi oo la micno ah in Granit Xhaka uu sii cayaarayo garabka biddix ee daafaca halka David Luiz uusan qeyb ka ahayn shaxda maadaama ciyaaryahanka reer Brazil uu gebi ahaanba seegay ciyaarta.

Pablo Mari, Holding ayaa ku middiibaya qalxada dhexe ee daafac halka Hector Bellerin uu baashiiisa middig ka xamaalanayo.

Waxay u muuqataa in Thomas Partey uu kaligiis khadka dhexe qaban doono caawa.

Bukayo Saka, Martin Odegaard, Emile Smith Rowe iyo Nicolas Pepe ayaa dhamaantood ku soo bilaabanaya cayaarta waxaana Arsenal ay u muuqataa mid kusoo galaysaa shax 4-1-4-1 ah.

Taasi waxay siineysaa Arsenal awood ku filan oo ay ku afuufto cayaaryahanada macalinkoodii hore ee Unai Emery, laakiin dhammaantood waa inay sare u qaadaan tayadooda haddii ay doonayaan inay guulleeystaan.

Kabtanka kooxda ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hoggaaminaya weerarka.

Halkan hoose ka eeg Shaxda Rasmiga ee kulanka.

Arsenal XI vs Villarreal: Bernd Leno; Hector Bellerin, Rob Holding, Pablo Mari, Granit Xhaka; Thomas Partey; Bukayo Saka, Martin Odegaard, Emile Smith Rowe, Nicolas Pepe; Pierre-Emerick Aubameyang

Kursiga Keydka: Maty Ryan, Arthur Okonkwo, Calum Chambers, Gabriel Magalhaes, Cedric Soares, Mohamed Elneny, Willian, Gabriel Martinelli, Willian, Alexandre Lacazette, Eddie Nketiah

Abdihakim Olad

Read Previous

Dortmund Oo Hoos U Dhigtay Qiimaha Jadon Sancho Iyadoo Man United Ay U Hanqaltaageeyso Adeega Xiddigan

Read Next

AS Roma vs Manchester United- Shaxda Rasmiga Ah Ee Labada Dhinac

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?