Arsenal Oo Tartan Adag U Galaysa Saxiixa Daafac Lagu Tilmaamo Raphael Varaneka Cusub

Sida laga soo xigtay warbixin ka soo baxday shabakada talyaaniga ee CalcioMercato, Arsenal ayaa kula biirtay kooxaha Rennes, Sevilla iyo AC Milan tartanka loogu jiro saxiixa daafaca kooxda Lens ee lagu tilmaamo Raphael Varaneka cusub.

Gunners ayaa qarka u saaran inay lumiso David Luiz marka qandaraaskiisu dhammaado xagaagan. Daafacan reer Brazil weli looma soo bandhigin heshiis cusub, CBS Sport ayaa sheegtay horaantii toddobaadkan in wakiiladiisa ay la xiriireen kooxaha doonaya xagaaga ayna u badantahay inuu isaga dhaqaaqo Emirates Stadium.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay suuqa ugu jirto daafac cusub oo bedela Luiz waxaana la sheegaya inay indhaha la raacayaan daafaca kooxda Lens ee Loic Bade, kaasoo noqonaya kii ugu dambeeyay ee lala xiriiriyo kooxdan ka dhisan waqooyiga magaalada London.

21 jirkaan reer Faransa ayaa kaliya kulankiisii ugu horeeyay u saftay kooxdiisa Lens xilli ciyaareedkii hore, balse waxa uu si dhaqso leh ku yeeshay magac weyn kaddib bandhigyo cajiib ah oo uu la yimid taasoo sabab u ah xiisaha Gunners.

Bade hadda waa daafaca ugu muhiimsan ee Lens waxaana durba lala barbardhigay xiddiga kooxda Real Madrid ee Raphael Varane.

Marka loo fiiriyo Varane iyo heerka sare ee uu ka taaganyahay daafacyada ugu wanaagsan kubbada-cagta xilligan. In xiddig da’yar ah oo hadda soo baxaya lagu tilmaamo inuu yahay isaga oo kale waa amaan weyn, iyadoon loo eegin kooxda uu u ciyaarayo.

Isaga oo leh dhirir 6 fiit 3 inji ah, wuxuu u ahaa Lens daafac addag oo xooggan – mana ahan oo keliya xagga jir ahaaneed ee sidoo kale xagga tayada.

Waan mid Saameeya tayada daafacyada iyadoo ay xusid mudantahay hoggaamintiisa xagga dambe.

Loic Bade waa mid xoog badan isla markaana dagaal badan marka uusan kubbadu heysan. Marka uu heystase waa mid kalsooni badan oo aanan lahayn qalqal wax dhibaateeya.

Arsenal ayaa hubaashii jeclaan laheyd inay hesho adeegga xiddigan xagaaga balse waxay tartan adag kala kulmeysaa kooxaha Rennes, Sevilla iyo Ac Milan oo iyagana si gaar ah u xiiseenaya da’yarkan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Xavi Oo Qabanaya Shaqada Leylinta Kooxda Barcelona – Goorma Ayay Noqoneysaa?

Read Next

Mashruuca Sifeynta Real Madrid – Hazard Iyo Zidane Baa Ugu Horreeya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?