Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Daafaca PSG Ee Thilo Kehrer

Sida ay sheegayaan warar ka imanaya Faransiiska, Arsenal ayaa PSG u gudbisay dalab 9 milyan oo euro ah oo ay ku doonayso adeega cayaaryahan Thilo Kehrer.

Cayaaryahankan ayaa lagu qiimeeyaa adduun lacageed gaaraya 22 milyan oo ginni.

Thilo Kehrer ayaa ku yimid PSG lacag dhan 33.3 milyan markii uu kasoo wareegayay kooxda FC Schalke xagaagii 2018 inkastoo uu kaliya qiimihiisu ahaa ilaa 16.2 milyan oo euro wakhtigaas.

Kaddib markii uu u dhaadhacay kursiga keydka ee kooxda PSG, Arsenal waxay u maleyneysaa inay, ugu yaraan dalban karaan xiddigan iyagoo gorgorinta iibkiisana ku bilaabilaya dalabkan 9ka milyan oo Euro ah.

Kehrer waa daafac dhexe caadi ahaan laakiin inbadan ayaa loo isticmaalay dhanka middig ee daafaca.

Kulamadii ugu dambeeyay, ‘ciyaaryahankan ayaa ahaa mid niyadjabsan’ maadaama uu ahaa mid bedel kusoo gala shaxda waxaana la sheegaya in la iibin doono haddii dalab sax ah uu u yimaado.

Labada koox, ayaa la soo warinayaa inuu u socdo wada xaajoodka ku aadan saxiixa xiddigan iyadoo Arsenal ay kalsooni ku qabto inay hesho adeega 24 jirkan xulka Jarmalka u safta.

Abdihakim Olad

Read Previous

AS Roma vs Manchester United- Shaxda Rasmiga Ah Ee Labada Dhinac

Read Next

Gunners Oo Arteta Ceyrineysa Kuna Badalaysa Mauricio Sarri Iyadoo United & Villarreal Ay Isku Balansadeen Fiinaalaha Tartanka Europa League-ga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?