“Wuxuu Na Yiri F*** you” – Verrati Iyo Harrera Oo Dhaleeceyn Dusha Uga Tuuray Garsoorihii Kulankii City

Marco Verratti iyo saaxiibkiis Ander Herrera ayaa dhaleeceeyay garsooraha cayaarta kaddib markii kooxda Paris Saint-Germain ay ka hartay Champions League-ga kulankii xalay ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

PSG ayaa dooneysay inay gaarto finalka Champions League markii labaad ee xiriir balse hamigaas ayaa ku dhammaatay gacanta Manchester City, oo uga adkaatay 2-0 habeenkii talaadada si ay ugu gudubto Fiinalaha tartankan markii ugu horeysay taariikhdooda.

Riyad Mahrez ayaa labo gool u dhaliyay City iyadoo PSG ay lugtii labaad ku dhammeysatay 10 ciyaaryahan kaddib markii Angel Di Maria uu casaan qaatay markii uu laaday Fernandinho daqiiqadii 70aad.

Verratti iyo Herrera ayaa si caro leh uga falceliyey go’aankii Di Maria looga diray magaalada Manchester, halkaas oo ay PSG ku noqotay kooxdii saddexaad ee casaan qaadata labada lugood ee semi-finalka Champions League-ga kaddib kooxaha Deportivo La Coruna-Porto (2003-04) iyo Lyon-Bayern Munich (2009-10).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG Marco Verratti iyo saaxiibkiis Herrera ayaa dhaleeceeyay garsooraha kulanka ee Kuipers.

“Garsooruhu wuxuu igu yidhi‘ f *** you laba jeer Verratti ayaa u sheegay RMC Sport ciyaarta kaddib.

“Haddii aan sidaa sameeyo, waxaa la i ganaaxaya 10-kulan. Dabcan in badan ayaan la hadlaa garsoorayaasha, balse waligey ma dhahayo f *** you.”

Herrera ayaa raaciyay: “Waxaan ka hadalnaa ixtiraamka aan la leenahay garsoorayaasha.”

“Haddii aan sidaas dhahno, waxaan heleynaa ganaax seddex ama afar kulan ah.”

Marco Verratti wuxuu dhammeystiray kubbadaha ugu badan (4), baasaskii ugu badnaa (52) wuxuuna ku guuleystay kubadihii ugu badnaa (6) marka loo eego ciyaaryahan kasta oo ka tirsan kulankii Man City Iyo PSG.

Il maestro. Https://t.co/hV9PhPEkrZ

PSG ayaa ku guuldarreysatay inay hal darbo oo bartilmaameed ah sameeyso kulankii ay la yeesheen kooxda City – waana markii ugu horreysay ee kooxda reer Faransa ay ku guuldarreysato inay sameyso siddaas kulan Champions League ah tan iyo 2003-04.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *