Manchester United Oo Dalab 90 Milyan Ah Ka Gudbineysa Kane

Milkiilayaasha kooxda Manchester United ayaa doonaya inay dib u kasbadaan taageerayaashooda careysan iyagoo si ay ku qanciyaan ku fikiraya in lacag badan oo ay ku qarash gareeyaan Harry Kane ay ku filantahay.

The Sun ayaa qortay in Manchester United ay miiska saareyso dalab 90 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane.

Talaabadan ayaa noqon doonta horumar layaableh, iyadoo Harry Kane laftiisa la fahansan yahay inuu xiiseynayo ku biirista Red Devils.

Seddex sanno kahor, Harry Kane wuxuu sheegay inuu doonayo inuu koobab kula guuleysto Tottenham haddii aysan sidaa suurtagalin laga yaabo inuu baxo.

Spurs kuma aysan guuleysan wax koob ah tan iyo markaas, taasoo keentay in wararka la isla dhexmaro in weeraryahankan reer England uu ku fikarayo inuu u dhaqaaqo meel uu hamigiisa ku gaari karo.

Kane wuxuu qandaraas kula jiraa kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ilaa sannada 2024ka laakiin waxay qarka u saaran yihiin inay seegaan kubbada-cagta Champions League markale taasoo ku riixeeysa in xiddigan uu isaga hayaamo kooxda.

Abdihakim Olad

Read Previous

Codeyn: Chelsea Vs Real Madrid – Yaa U Gudbaya Fiinalka?

Read Next

Istanbul Oo Laga Wareejinayo Fiinaalka Haddii Chelsea Ay Soo Baxdo Caawa ( Sabab ? )

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?