Istanbul Oo Laga Wareejinayo Fiinaalka Haddii Chelsea Ay Soo Baxdo Caawa ( Sabab ? )

Marka labada kooxood ee Chelsea iyo Real Madrid ay caawa fooda is daraan, waxaa la go’aamin doonaa cidda Fiinaalka Champions League-ga la cayaareeysa Manchester City oo iska sii xaaridisay fiinalaha Champions League-ga.

Labada kooxood ee fiinaalka isagu yimaada ayaa la qorsheeyay in midiiba 4,000 oo tikidho ah la siiyo marka kama dambeysta lagu cayaarayo dalka Turkiga.

Balse UEFA iyo maamulka Turkiga ayaa la rumeysan yahay inay diyaarinayaan qorshayaal lagu meeleeynayo 25,000 oo daawadayaal ah kulanka lagu wado inuu magaalada Istanbul ka qabsoomo 29-ka bishan May.

Haddii la ansixiyo, garoonkan wuxuu martigelin doonaa saddex-meelood meel ka mid ah 76,000 ee kuraas uu qaadi karo.

Saacado gudahood markii ay ciyaartii xalay soo idlaatay, kooxda Manchester City ayaa weydiisay taageerayaasheeda inay muujiyaan xiisaha ay u qabaan ka qeyb galka finalka garoonka Ataturk.

Taageerayaasha Ingiriiskana waa inaan loo oggolaan inay ka soo qayb galaan bandhigga Istanbul, sababtoo ah heerka cudurka coronavirus ayaa aad u sarreeya dalka Turkiga waa sida ay qabo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska iyo khubaro ku takhasustay caafimaadka bulshada

Haddii kooxaha Chelsea iyo Manchester City ay ku kulmaan fiinalaha Champions League-ga, looma ogolaan doono inay u safraan dalka Turkiga haddii ay sidaas sameeyaanna waxaa lagu qasbi doonaa in la karantiilo marka ay soo laabtaan sida ay wararku tibaaxayaan.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in kooxaha Chelsea iyo Manchester CIty ay ku fikirayaan in Garoonka Wembley Stadium ee Ingiriiska loosoo wareejiyo fiinalaha Champions League-ga maadaama halista Covid-19 uu aad ugu badanyahay wadanka bandoowga ku jira ee Turkiga

Turkiga hadda wuxuu kujiraa ‘xadidaad buuxa’ illaa iyo 17ka bishan May. Kaddib markii ay la kulantay sare u kac weyn oo coronavirus ah, iyadoo 60,000 oo xaaladood iyo 300 oo dhimasho ah maalin kasta la diiwaangeliyay bishii Abriil waxaana la sheegay in heerarka infekshanka uu saddex iyo toban jeer ka sarreeyo Boqortooyada Ingiriiska.

Abdihakim Olad

Read Previous

Manchester United Oo Dalab 90 Milyan Ah Ka Gudbineysa Kane

Read Next

Chelsea 2:0 Real Madrid – 5 Qodob Oo Laga Bartay Guushii Chelsea

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?