Mourinho Oo Qabanaya Shaqada Kooxda AS Roma

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham Jose Mourinho ayaa la wareegi doona shaqada kooxda Roma xilli ciyaareedka dambe isaga oo badali doona tababare Paulo Fonseca.

Jose Mourinho ayaa ku biiri doona kooxda Roma kahor xilli ciyaareedka 2021-22 isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 3 sanno ah sida ay shaacisay kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A-da.

Warkan ayaa yimid isla maalintii ay kooxdu xaqiijisay in tababaraheeda haatan ee Paulo Fonseca uu ka isaga dhaqaaqi doono booskiisa tababarenimo dhammaadka ololahan.

Mourinho waxaa shaqadiisii hore ka ceyriyay kooxda Premier League ka dhisan ee Tottenham bishii Abriil 19-keedii kaddib markii uu la yimid waxqabad niyadjab leh 17kii billood uu leylinayey.

Mourinho ayaa wuxuu sheegay usbuucii la soo dhaafay inuu sugi doono koox leh “dhaqan sax ah” si uu dib ugu bilaabo xirfadiisa tababarenimo.

Macalinkii hore ee Manchester United, Real Madrid iyo Chelsea ayaa horay tababare uga soo noqday kooxda Serie A-da dalka Talyaaniga isagoo horey usoo leyliyay kooxda Inter intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2010.

Wuxuu ku hoggaamiyay kooxda Nerazzurri lagu naaneeso laba koob oo Scudettos-ka dalkaasi ah iyo ku gulleysiga Champions League-ga intii uu joogay magaalada Milan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona Oo Heshiis La Gaartay Cayaaryahan Ay Muddo Raadineysay

Read Next

Neymar Oo Fashil Dhextaagan Xilli Man City Ay Iska Xaadirisay Fiinaalkoodii Ugu Horreeyay Ee Champions League-ga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?