Barcelona Oo Heshiis La Gaartay Cayaaryahan Ay Muddo Raadineysay

Kooxda kubbada-cagta ee Barcelona ayaa la fahamsan yahay inay qarka u saaran tahay inay xagaaga hesho ciyaaryahanka khadka dhexe ee Flamengo Gerson.

Kooxda ka dhisan La Liga ayaa la sheegaa xiisaha ay u qabto 23 jirkaan in muddo ah, waxaana ay u muuqdeen inay qarka u saaran yihiin inay heshiis la gaaraan ciyaaryahankan sannadii 2015.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahankan reer Brazil ayaa ugu danbeyntii doortay inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan Serie A ee Roma, inkastoo u dhaqaaqistaas aysan aheyn mid qorsheysnayd isagoo markii dambe dib ugu laabtay dalkiisa hooyo sannadkii 2019 xilli uu kaliya 28 kulan u saftay kooxda Roma kahor inta aanu amaah loogu dirin kooxda Fiorentina.

Inkasta oo markii ugu horaysay uu ku fashilmay kusoo biirista kubbada-cagta, Barca ayaa sii waday in ay la socoto horumarka Gerson ee Brazil, iyadoo telefishanka Isbaanishka ee El Chiringuito uu haatan sheegayo in Blaugrana ay heshiis ka gaartay ciyaaryahankan khadka dhexe ka xamaasha.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in lacag dhan € 25m ( 21.5m) ay ku heshiiyeen labada dhinac iyadoo Barcelona ay dooneyso inay kusoo biiriso da’yarkan ay kusoo biiriso kooxdiida xilli ciyaareedka soo aadan.

Bandhigyada Gerson tan iyo markii uu ka tagay kooxda Roma 2019kii ayaa wuxuu sidoo kale soo jiitay kooxo badan oo yurub ah, iyadoo Borussia Dortmund iyo kooxaha Premier League-ga ee Chelsea iyo Tottenham ay labaduba sheegeen inay doonayaan inay helaan adeega da’yarkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *